Dhawaaqi Muuse Biixi Ee Shalay Oo Hal Qodob Cadeen u Ah,

maqal iyo muuqaal Wararka

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Waxaa uu ka hadlay arrimo aan looga baran ka hadalkooda Madaxdii ka Horaysay Muuse Biixi,

Maamulka Somaliland oo muddo ka badan 30 sano u taaganna wax ay ugu yeedhen gooni isutaag ayaa inta badan waxay iska weyneen jiren oo Badhasaabo Gobol ku tilmaami jiren isku dhangadka ku kaxayn jiren Maamul Goboleed-yadda dalka iyo Dawlada Fadaraalka Soomaaliya,

Hore umaysan dhicin in mudada 30 sano ah la arko madaxweyne Somaliland oo ka hadlaaya xiisad ka dhex taagan dawlada Fadaraalka iyo maamulada dalka saababto ah waxay u arki jiren Dawlad iyo Badhasaabadeedii oo is haysta laakiin-taasi maanta maysan dhicin oo hadalkii Muuse Biixi Ee Shalay waxaa uu muujiyay Hal qodob.

Muuse Biixi shalay Qudbadiisi waxa laga dareemay in uu is xejinaayo maamulada islamarkaana ka xun yahay dagaalka dawlada soomaaliya ku hayso maamulada taaso u cadeeyay in dagaalkaasi hadii uu ka soo dhamaado dhanka maamulada waxa kaliye lagu soo wajahan yahay ay tahay Somaliland.

Dhawaaqa Muuse Biixi ee Uu ka qeyliyay Xiisada Maamulada iyo Fadaraalka ayaa muujinaysa Tamar darada siyaasadeed ee soo wajahday Maamulka Somaliland oo cabsi aan loo meel dayin ka qaba Dawladda Fadaraalka soomaaliya kadibna hada ogaaday in Aysan Jirin Awood ay iskaga caabin karaan Xukumada Soomaaliya,

Aqoonyahanadda siyaasada Falanqeey ayaa xusay in Aysan cago badan ku taagneen Xukumada Muuse Biixi islamarkaana aysan Galin awood uyeelan karin iska caabinta xukumada Madaxweyne Farmaajo.

Ugu Danbayn waxaa la rumaysan yahay in Siyaasad ahaan Hadii xukumadda Farmaajo sidii ay jubaland u weerartay ay u weerari lahayd Somaliland in aysan somaliland iska caabin karten Dawlada sababto Ah Jubaland . waxaa garab iyo Gaashan u ahaa Puntland iyo dawladdo Shisheeye oo ka leh Dano siyaasadeed Laakin somaliland ma jirto maamul ama Dawlad ka leh Dano oo ay ka helayso garab taasina waxay sahlaysa in Mudo yar lagu soo afjaro xukumada 30 jirsatay ee somaliland waana taas -ta u ka sii cabadaayo Madaxweyne Muuse Biixi.