Daawo:Gabadha Samaysay Calanka Puntland Oo Hadashay Iyo Gobolka Ay Ka Soo jeedo,

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha dawladda Soomaaliya Abdi Faarax Juxa, ayaa waraystay Asli Qodax  oo ah gabadhii samaysay Astaanta Puntland

HALKAN KA DAAWO VIDEO

19, Dec 2009 ayaa la soo gebogebeeyey tarantanka caalaamadaaha qaranka ee ay Dowlada Puntland yeelanayso Gudigii loo saaray arrintaas oo ka koobnaa heer Wasiiro ayaa soo dhex dhigay calaamadahaas kulan ay lahaayeen golaha Wasiiradda Puntland oo isla markiiba cod aqlbiyad leh ku ansixiyey,waxaana la horgeeyey Baarlamaanka Puntland dood & falaqayn dheer kadib codayn loo qaaday waxaa laysku raacay in la ansixiyo.

Calanka.waxaa la qaatay calan ka kooban sadex midab cadaan, Buluug & cagaar, waxaa kale oo laysla garaty in heesta Puntland noqoto heesta caanbaxday ee Kudayo Puntland Astaantina waxaa la qaatay astaan ay soo Bandhigtay Asli Axmed Maxmuud (Qodax) oo ka soo jeeda Degmada Laasqoray hadana u shaqeysa Hay’ada Care International.