dahabshiil

Daawo:Axmed Madoobe Oo Kulan Adag la Qaatay Xubno Kamid ah Maamulkiisa,

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudoonka gudiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa caawa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo.

Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhegaysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan.

Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka.

Kulankan ayaa hordhac u ahaa kulan balaaran oo dhamaan wasaaradaha looga dhegaysan doono waxqabadkooda, kaas oo ay kasoo qeybgali doonaan Wasiirada, kuxigeenada, agaasimayaasha iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradaha halkaas oo ay si daahfuran ugu soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomey wasaarad kasta iyo caqabadaha jira.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=19869

Posted by on Nov 17 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841