dahabshiil

Qorshaha Is Barkan Ee Beesha Caalamka iyo Maamulada Dalka Oo Niyad Jab Galiyay Hamiga Doorasho Ee Farmaajo 2020

Waxaa gabo gabo maraaya muddo Xileedka Xukumadda Madaxweyne Farmaajo oo ay ka hadhsan tahay oo kaliya Hal sano.

Majirto wax qorshe cad ah oo madaxweyne Farmaajo Uga diyaarsan Habka loo galaayo doorashada dhamaadka 2020 ka dhacaysa dalka soomaaliya.

Xukumadihii Ka horeeyay Farmaajo ee xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif kala Hogaaminaayen waxay soo bandhigen sanad iyo afar bilood markay ka Hadhsaneed muddo xileedkoodu Qaabka ay udhacayso doorashada dalka ka dhacaysa waxayna markaasi isla mideeyen Dawlada Fadaraalka iyo Maamulada dalka iyo Beesha caalamku sida ugu wacan ee doorashada loo galaayo.

Xukumadda Madaxweyne Farmaajo oo Hal Sanno ay u Hadhsan tahay Uma diyaarsana qorshe doorasho mana jirto maamullo ku raacsan Hab doorashada 2020.

Beesha caalamka oo ah Furaha Dawladda Fadaraalka islamarkaana ah Tan iska leh Lacagta lagu qabanaayo doorashada iyo askariga amniga sugaya iyo aqoonsiga doorashada iyana isha ayay ku haysa xukumada Farmaajo sida ay ilaa hada u hayn wax qorshe cad ah.

Farmaajo oo aad u Quudareenaya inuu sameeyo Doorasho uu ku soo baxo mar kale ayay isku qaban laadahay labo qodob oo is barkan kala ahna sida Beesha caalamku wax u rabto iyo sida maamuladu wax uraban,

Xukumada Farmaajo ilaa hada Maamulada Dalka ka jira iskuma wacna iskuma raacsana qaabka doorashada dalka ka dhacaysa dhamaadka 2020 sidoo kale Beesha caalamku waxay iyana aad culayska u saaraysa in wax muddo dhaf ah aan lagu samayn karin muddo xileedka Xukumada Farmaajo

Si kastaba ha Ahaate Wey adag tahay In Doorasho uu ku qanacsan yahay Farmaajo ay ka dhacdo Dalka iyadoo ay taagan tahay Khilaafka Maamulada iyo iyo Dawladiisa islamarkaana ay u dheer tahay Go aanka Beesha caalamka ee ah In aan wax muddo Kordhin ah la samayn karin.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=19863

Posted by on Nov 16 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841