Deg Deg:Maleeshiyo Beeleedkii Oo Isaga Baxay Boosaaso,

Maleeshiyo Beeleedkii uu hogaaminayey Ciise Yulux ayaa laga saaray magaalada Boosaaso kadib markii la xaliyey tabashooyinkii ay tabanayeen .

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa sii galbiyay isimada iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada si aysan isugu dhicin ciidamada ku sugan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Carmo.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay dagaal ka dhaca magaalada Boosaaso oo maalmihii ugu dambeeyey ay ku soo qulqulayeen ciidamo.

Isimada dhaqanka ayaa goor dhow la hadli doona warbaahinta, waxaana ay faah faahin ka bixin doona arintaasi iyo qaabka ay ugu qabsoomeen dadaalada ay wadeen maalmihii ugu dambeeyey.

 40 total views,  1 views today