Caasimada Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa laga Helay Goordhaweyd Maydka qof La dilay,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Maydkan oo ah Nin Dhalinyaro ah Ayaa laga helay xaafadda Buurta Sayidka Isagoo Maydkan Lagu dhex Riday God.

Maydka ayaa Dushiisa waxaa ka muuqday Nabro u muuqda in Dhagax iyo Budh lala dhacay.

Ilaa hada Lama Ogaan cida ka danbaysa dilkan oo shacabku aad u hadal hayan.

Maaha Wax ku cusub Shacabka Gobolka Sool Laascaanood in Qof aan waxba galabsan Gudaha Laascaanood si sahlan loo dilo lana garan waayo waxa dila tan iyo intii maamulka Isaaq Gacanta ku hayay Gobolkaasi.

Marxuumka La dilay ayaa lagu magacaabi Jiray Maxamed Faarax xaji cabdi