dahabshiil

Deg Deg::Jubbaland oo dawcad uga gudbisay Itoobiya Qaramada Midoobe

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warqad ay ku qorantahay Dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Amisom ee ku sugan gobolka Gedo u gudbisey wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayada oo sidookale safiiro katirsan beesha caalamka copy la siiyey.

Warqadan oo ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Gaani Jaamac, ayaa lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay faragelin qaawan ku hayaan Maamulada iyo taliska ciidamada ee degmooyinka Luuq,Doolow iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Si faahfaahsan waxaa loogu sheegay in bishan Novermber 4teedii ay ciidamo Itoobiyaan ah oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenka sirdoonka Militariga Itoobiya, ay kaxeysteen gudoomiyayaasha saddexda degmo iyo gudoomiye kuxigeenka gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland iyo lataliye sare oo katirsan wasaarada Amniga Jubbaland, kuwaas oo loo qaadey magaalada Nazret ee gudaha dalka Itoobiya.

Inta aan la qaadin ka hor waxaa saddex maalmood si isdaba jooog ah masuuliyiintaas ugu soo dhaceyey hanjabaadyo iyo cabsi galin ku aadan fulinta rabitaanka ciidamada Itoobiya oo ay isticaamleysay Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Isla markii la qaadey masuuliyintaas waxaa ka bilowdey degmooyinkaasi kala furfurida ciidanka iyo maamulka halkaas kajirey, taas oo fursad weyn u noqoneysa Alshabaab keeni kartana inay dib u qabsadaan deegaanadii laga xoreeyey 11 sano kahor, dhinaca kale duminta taliska ciidan ee halkaas ka jira ayaa sababi kara in ciidamadaasi ay isu bedelaan Maleeshiyo beeleed aan maamul hoostagin ayaa lagu yiri waraaqda.

Kadib markii la qaadey ee lageeyey magaalada Nazret waxaa lagu amrey inay sameeyaan 4tan qodob ee hoos ku xusan:-

1- In Taliska ciidamada Jubbaland ee sadexda degmo ( Luuq, Doolow iyo Baladxaawo ) ay ku wareejiyaan Dowlada federaalka Soomaaliya.

2- In maamulada sadexda degmo ku dhawaaqaan inay ka baxeen ama ka go’een maamulka Jubbaland.

3- Inay ku dhawaaqaan in doorashadii Jubbaland ka dhacdey ee Baarlamaaanka iyo madaxweynaha ay ahayd waxbo kamajiraan.

4- In ay qabtaan nidaam doorasho kale oo lagu dooranayo Baarlamaan iyo Madaxweyne.

Qodobadaan oo si qasab ah lagu soo ogoleysiiyey masuuliyiintii la qafaashey laguna amrey fulinta qodobadaas sida ugu dhakhsaha badan, taas oo keentey in saraakiil ka socota DFS ay kasoo degaan Doolow si ay howlahaas u dardargaliyaan.

Warqadan ayaa waxaa lagu sheegay inaysan maangal ku ahayn anshaxa iyo qawaaniinta caalamka iyo sharciyadda Amisomba, in wadan kamid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu fududeeyo wadahadal sharci darro ah oo dhexmara gudoomiyayaal laga magacaabey Dowlad goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya, inkasta oo aan waraaqda lagu magac dhabin kulankaas waxaa la sheegay saraakiishii DFS dhankeeda ka socotey inuu hormuud u ahaa Cabdullaahi Kulane (Jiiska ) oo si dadban kuxigeen ugu ah Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabadsugida Soomaaliya oo ay isku haybna yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo 6 sarkaal oo kale.

Warqada ayaa lagu soo gabogabeeyey in arrimaha gobolkaas kasocda dhamaantood ay ka danbeyso DFS ayada oo isticmaaleysa ciidamo shisheeya ugana dan leh xaqiijinta hadafkeeda doorashada 2020/2021 taas oo aan suuro gal noqon karin.

Gunaanadka warqada dacwada ah ayaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha Soomaaliyaba loogu baaqey, inay si dhow ula socdaan faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya iyo in DFS ay dalkeedii iyo dakeedii u isticmaaleyso ciidamo shisheeye oo kutumanaya dastuurkii dalka isla markaana burburinaya haykalkii dowladnimo ee halkaas ka jirey.

Waxaa lagusoo afmeeray waraaqda in cawaaqib xumada halkaas ka dhalata ay DFS dusha saaran doonto masuulna ka noqon doonto natiijada dhaqdhaqaaqyadeeda dastuurka dalka baalmarsan.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=19807

Posted by on Nov 16 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841