Deg Deg:Hargaysa Diyaarado Dagaal Oo Dul Heehaabaya,

Hargaysa{Khaatumonews}Saacadihii ugu danbeeyay Diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya ayaa dulmaray Magaalada Hargeysa.

Diyaaradahan ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa konton diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter kuwaas oo argagax ku abuuray bulshada reer hargeysa ka dib markii la arkay iyaga oo joog aad u hooseeya ku duulaya.

Lama garanayo halka ka soo kicitimeen diyaaradahan jooga hoose ku duulayay, hase ahaatee goob-jooge ayaa sheegay inuu arkay diyaaradahaasi oo uu tilmaamay in markii la arkay iyaga oo joog hoose ku duulaya ay iskugu soo baxeen dadweyne badan oo ku sugnaa goobtii uu joogay isaga oo xusay in diyaaradahaasi ay ku socdeen dhinaca koonfureed

Maaha markii koowaad ee diyaarado dagaal soo dulmaraan Hargaysa , iyagoo joog hoose ku socda, inta badana waxay kasoo kicitimaan xeebta dalka jabuuti oo somaliland jaar la ah, halkaas oo uu ku yaalaan saldhigyo badan o ay leeyihiin wadamo badani