Deg Deg:Axmed Karaash Oo Wada Abaabul Ciidan,

Garowe{ Khaatumonews }Kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay uu madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) uu ku booqday duleedka magaalada Garowe ee ciidamo aad u tira badan oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa kasoo baxaya ciidamadaasi warar kala duwan.


Ciidamadani oo gaadhaya ilaa 700 oo askari oo ku qalabaysan gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland uu salaan sharaf ka qaatay, waxaana uu kulamo la qaatay saraakiisha hogaamisa ciidamadaasi oo uu kala hadlay xaaladaha ciidamadu ay ku sugan yihiin iyo baahiyahooda ciidan
Waxaa la sheegay in ciidamadani oo haatan ku sugan deegaanka Bixin ee duleedka magaalada Garowe si rasmi ah la diiwaan gali doono isla markaasna ay mari doonaan tababaro kala duwan oo ciidan ka hor inta aysan fulin hawlgalada ciidan ee loo diyaariyey.


Tirada ciidamadani oo dhan 700 oo askari ayaa la sheegay in uu qorshuhu uu yahay in la gaadhsiiyo ilaa 1500 oo askari, kuwaas oo uu u diyaarinayo Axmed Karaash hawlgalo kala duwan.


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Axmed Karaash uu qorshaynayo dagaal ka dhan maamulka Somaliland isla markaasna ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hub badan oo iskugu keenay deegaanka Bixin.


Weli lama hubo qorshaha Axmed Karaash goorta uu hawlgali doono hasa yeeshee madaxda Somaliland ayaa ka walaacsan in Mr. Karaash uu xaalad dagaal ka dhex abuuro Puntland iyo Somaliland halka siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sool oo xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland ay hore u sheegeen in dagaal uusan ka fursanayn Axmed Karaash isla markaasna laga yaabo in ay fooda is galiyaan ciidamadiisa iyo kuwa Somaliland oo ku sugan deegaanka Tukaraq iyo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sool.