Guddoomiyaha degaanka Af-Urur ee gobolka Bari, Maxamed Geeddi Saalax oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo saaka ciidamada difaac Puntland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray nawaaxiga degaankaasi Af-Urur.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEI

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in AL-shabaab subaxnimadii hore ee saaka hoobiyaal ku soo tuurtay fariisimaha ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan degaanka Af-Urur, dabadeedna Ciidanku ay weerar culus kaga jawaabeen, islamarkaana dagaal xooggan labada dhinac ku dhexmaray meel qiyaastii 8km u jirta Af-Urur.

Waxaa la isla tegay meel la yiraahdo MARADA-GOBTAA oo ilaa 8km u jirta magaalada, halkaa dagaal xooggan baa ku dhexmaray, hadduu ku dhexmarayna qoladii waa la kiciyay Al-shabaabta ahayd, Xaggaa MARRAJE bay ka dhacday” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa kale oo uu sheegay, in malayshiyaadka Al-shabaab ee dib loo celiyay uu khasaare dhimasho halkaasi ku gaaray, isagoo xusay in ay maydad badan jiidanayeen, si aan loo arag khasaaraha ku dhacay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in maydka laba askari oo ka tirsan ciidanka Puntland la keenay  degaanka Af-Urur, saddex kalena dhaawacyo fudud soo gaareen