War Deg Deg Ah:Ciidankii Ugu Badna Oo Puntland Caawa Gaysay Boosaaso,

Maamulka Puntland ee U Hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ayaa Caawa Geeyay ciidan Xoogan Gobolka Bari gaar ahaan Degmada Boosaaso,

Ciidamadan oo Ku gaashaaman Gaadiidka Dagaalka ayaa Ku Sugan caawa Boosaaso.

Ciidamadan Oo Gaadhaya ilaa 600 oo Askari iyo gaadiid dagaal oo Gaadhaya 50 Tikniko ah ayaa caawa u Hoyday gudaha Boosaaso,

Cududan Ciidan ee puntland Boosaaso Gaysaay aya kusoo Beegmaysa xili Maleeshiyaad uu wato Ciise Yulux ay shalay Soo gaadhen Boosaaso kuwaaso haatan Ku Jira Dayr kamid ah Boosaaso,

Sidoo kale Boosaaso ayaa waxaa ku sugan Isimada Puntland Badi kuwaaso wadahadal kula jira Maleeshiyaadka Ciise Yulux,

Xukumada Deni Ayaa sheegtay in Hadii ay diidan wadahadal islamarkaana aan dagadag looga saarin maleeshiyadkaasi in ay awood uga saarayso iBoosaaso islamarkaana waajib dawladeed marsiin doonto maleeshiyaadkan,

Dhanka kale Cabsida ugu weyn ayaa haysata shacabka Boosaaso oo walwal ka qaba Dagaal ka qarxa Gudaha Magaalada.

Ciidamadan Xukumada Deni Boosaaso Caawa Geysay ayaa isaga kala yimid Garoowe, Gaalkacayo Qardho Jiida Tukaraq iyo Deegaano kamid ah Boosaaso,

KHAATUMONEWS.COM