600 Daawo Sawiro:Madaxweyne Farmaajo Oo Fadeexad Kala Kulmay Kulankii Ganacsatada Nairobi, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo Sawiro:Madaxweyne Farmaajo Oo Fadeexad Kala Kulmay Kulankii Ganacsatada Nairobi,

Kulan uu madaxweyne Farmaajo galabta magaalada Nairobi kula yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa waxaa ka hor-yimid laba caqabad oo yareysay saameyntii madaxweynaha filayey inuu yeesho.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Warbaahinta , kulanka oo ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, ayaa markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto mid ka mid ah hoolalka magaalada.

Si kastaba waxaa diiday dowladda Kenya, maadaama ay qasab ahayd in looga fasax qaato sababo la xiriira maqaamka madaxweynaha iyo inay lagama maarmaan tahay in amnigiisa la sugo.

Dhinaca kale, inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee ugu weyn ugana saameynta badan magaalada Nairobi ayaa diiday inay la kulmaan kana qeyb galaan kulanka madaxweynaha.

Ganacsatada kasoo jeeda beelaha Abgaal iyo Ogaadeen ayaa Farmaajo ku eedeynaya inuu dagaal iyo beegsi ku hayo madax ku hayb ah oo uu ku beegsanayo gudaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa horey dagaal ula galay madaxweynaha Jubaland oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, sidoo kalena xayiraado saaray madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo kasoo jeeda beesha Abgaal.

Beelaha Abgaal iyo Ogaadeen waa beelaha ugu waa weyn ee gacanta ku haya ganacsiga Soomaalida Nairobi uguna taajirsan, waxaana awooddooda iyo saameyntooda ay u adeegsadeen inay ka hor-tagaan la kulanka madaxweynaha ee ganacsatada.

Sida aan xogta ku helnay, kadib labadan caqabad ayaa madaxweynaha go’aansaday inuu ganacsato yar oo fikir ahaan taageersan kula kulmo xarunta safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Sawirro kulanka laga soo qaaday ayaa muujinayey inay aad u yaraayeen ganacsatadii u tagtay madaxweynaha, kamana muuqan dhammaan kuwa la yaqaan ee ugu saameynta badan Nairobi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...