Deg Deg:Maamul looga Dhawaqaayo Koonfurta Hargaysa,

Magaalada Baligubadle ee Koonfurta Hargaysa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan Dhalinyaradda aqoonyahanka iyo waxgaradka deegaankaas, waxaannay kulamaddaasi daarran yihiin arrimo khuseeya Masiirkoodda ummaddeed iyo ka deegaankoodda labaddaba

Kulamadda ay iskugu yimaaddeen Dhalinyaradda, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka deegaankaas ayaa ujeedkiisu yahay samaynta Maamul-gobolleed, kadib markii ay sheegeen iskunna qanciyeen in Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku fashilantay waxyaabo badan, isla markaanna Xaaladdii dalkku ay meel halis ah marayso, bulshaddiina sii kala socoto, waxaannay sheegeen markii ay isla eeggeen arrimo door ah oo jira awgeed inay lama hurraan tahay samaynta maamul gobolleed ay taladdiisa gacanta ku hayaan.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa waajahaysa caqabaddo badan iyo ismaan dhaaf siyaasaddeed, waxaanna haatan Somaliland ka jira Jabhaddo bari iyo galbeedba ka soo jeedda, kuwaasoo oo iyagunna ku andacoonnaaya in maamulkan uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi aannu ku habboonayn taladda deegaanka ee gacanta loo geliyay, isla markaanna wax wada lahaanshihii iyo saamiggii beelaha Somaliland uu Xaafaddooda uun ku soo koobbay, waxaanay taasi dhalisay kala shaki badan oo bulshadda qaybaheedda kala duwan ku yimid iyo Somalilandtii la wada lahaa oo beesha ka sii baxaysa.

Baligubadle Ayaa Ah halkii Jabhada SNM kasoo Bilowday Dagaalkii ay kula jirtay dawladii Maxamed Siyaad Barre

Si kastaba ha ahaatee, dhalinyaraddan ayaa ku hawlan wada-tashi iyo kulamo ay la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaannay maalmaha soo socda si rasmiya u shaacin doonnaan maamul-goboleedkaas.

 49 total views,  1 views today