Beesha Cali Saleebaan Oo Garaacaysa Albaabkii Colaada ee Ganacsiga iyo Horumarka Boosaaso ku Gubanlaha,

Waxaan maqlaya Maanta waxaa weerar ku soo qaaday Magaalo Ganacsiyeedkii ugu weyned Deegaanada puntland ee Boosaaso maleeshiyaad qaab beelaysan u Abaabulan,

Waxaan isweydiiyay Boosaaso Askariga Beelaysan ee Doonaya in uu Shirkad ama Nin ay isku Qabiilyihiin Difaaco muxuu Helay oo Faa ‘ido Ah,

Waxaa Hubaal ah In Beesha Cali Saleebaan oo si gaar ah Dhaqaalahoodu Ganacsigoodu iyo Ubadkoodu uyaal Boosaaso ay usamayn doonto Colaada ay ka qarxiyan Ciise Yulux, iyo inta la caqliga ah,

Boosaaso 2001 dagaalkii uu ku qaaday Cabdilaahi Yuusuf waxaa xaqiiq ahayd in Uu Dibada ka dhigay Maleeshiyaad noocan oo kale loo abaabulay ,

Beesha cali Saleeban, Ma garan weyday In 19 sano kadib puntland ay ka xoog badan tahy toban jibaar 2001 islamarkaana colaada loo siradaayo Boosaaso hadii si cad la isugu soo badheedho ay ciise yulux iyo maleeshiyada uwato ay Ku basbeeli doonaan hal saac, ma ilowsan yihiin Beesha Cali Saleeban in hadii dagaal ka dhaco Boosaaso ay Noqonaso Buuraha Galgala oo kale,

Ma og tahay Beesha cali Saleebaan in Dekeda Garacad ay jaanis u noqonaso colaada Ka qaraxda Boosaaso oo shacabka soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland Labaduba ay Ganacsiga Uraadsan doonaan Dekeda Garacad islamarkaana Boosaaso Hoy u Noqon Doonto Colaada ciidanka Dawlada iyo maleeshiyaadka Beelaysan,

Beesha Cali saleebaan Waxaa la gudboon intaysan Calaadani Qarxin islamarkaana awoodda maamulku uusan Kala Bixin in ay Raali galin ka bixiyaan maleeshiyaadka soo galay Boosaaso islaamrkaana ay Ka shaqeeyan wixii dan u ah,

Ugu Danbayn ganacsadaha iyo ninka Danta gaarka ah leh ee maleeshiyaadka Boosaaso keenaya ma isweydiiyay In Hadii colaadi dhacdo uusan Ganacsi iyo shirkad toona ku lahaan doonin Boosaaso

 72 total views,  1 views today