600 Deg Deg Daawo:Xasan Dahir Aways Oo Si yaab leh u’la Hadlay Sheekh Shariif, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Xasan Dahir Aways Oo Si yaab leh u’la Hadlay Sheekh Shariif,

Xasan Daahir Aweys oo maxbuus u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus oo aan loo meel dayin ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed horeyna ay iskala tirsanaayeen Maxaakiimtii islaamiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xasan Daahir Aweys ayaa Shiikh Shariif ku eedeeyey inuusan isaga cadowga iyo mooryaanta ka saarin dalka balse uu isaga si fudud ku helay xilka uuna mid cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay.

Wuxuu ku eedeeyey inuu Shiikh Shariif yahay nin dadka ku daneysto markii dantiisa uu gaarana meel cidlaa uga tago.

Xasan Daahir ayaa Shiikh Shariif ugu baaqay inuu Alle ka cabsado isla markaasna uu joojiyo dadka uu qiyaamayo.

Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Shiikh Shariif  oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Shiikh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo si toos ah muuqaal uga soo galay bartiisa Facebook.

Wuxuu ugu dambeyntii sheegay inuu Shiikh Shariif ka quustay markii uu codka siin waayey Xasan Shiikh Maxamuud waqtigii Doorashada.

Markii ugu dambeysay Xasan Shiikh ayuu siin waayey 40 cod oo uu heystay xilligii doorashada, Howsha waxay aheyd qabiil, markii uu codka siin waayey ayaan ka quustay Shiikh Shariif” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...