Deg Deg Daawo:Sheekh Shariif Oo Dhaar Ku Maray Inuu Xamar ka Saraayo Farmaajo,

Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay xilli uu ka soo laabtay safar ay ku tageen magalada Beledweyne ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda dowladda federaalka oo uu sheegay in maanta amarkooda loogu xayiray Garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in aysan u dul qaadan doonin ficilada ay madaxda dowladda fedelaaku ku ka cayaan, kuwaas oo uu ka carabaabay caburinta Shacabka iyo madaxdii hore dalka, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabadda ku haboon hadii sidaan ay wax ku sii socdaan.

Madaxweyne Shariif ayaa ku dhaartay in magaalada xoog looga saarayo madaxda talada heysa haddii aanay joojin ku tumashada sharciga oo uu sheegay in ay soo laa laabatay.

Magaalada waxaa joogi jiray mooryaan awood ayaa looga saaray, ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa sidoo kale awood looga saaray, marka kuwa hada jooga ma kuwaas ayey ka awood badan yihiin? waa maya, wallahi xoog ayaan uga saareynaa magaalada, haddii aanay joojin sharciga ay ku tumanayaan” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed madaxweynihii hore ee dalka.

 67 total views,  1 views today