Deg Deg Daawo:Dhoobo Daareed Oo Afka Furtay Isagoo Ku Sugan Sanaag.

Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-Daareed khamiistii hore ayaa xilka ay ka qaadeen mudanayaal katirsan baarlamaanka Puntland, waxaa uu shalay galab gaadhay magaalada uu kasoo jeedo ee Xiingalool gobalka Sanaag, halkaas waxaa todobaadkii hore joogay wasiiro katirsan maamulka Puntland oo ka waday howlaha la xariira dhismaha golaha deegaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shir jaraa’id oo uu qabtay galabtay, wuxuu kaga hadlay dhawr marxaladooda oo ku wajahan xil ka qaadistii lagu sameeyey, dhacdadii lagu weeraray Xarunta baarlamaanka iyo siyaasadiisa waxyaabaha ku wajahan ama uu qorsheynayo.

Dhooba wuxuu kuceliyey in uu yahay Gudoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka Puntland, sharci darro ayuu ku sifeeyey talaabadii xilka looga qaaday, wuxuu sheegay in aan loogu yeeri karin Gudoomiyihii hore, balse uu yahay gudoomiyaha sharciga ah, tanni waxay ka dhigan tahay in uusan aqoonsan natiijadii cod bixintii dhacday khamiistii lasoo dhaafay.

Sidaas oo kale, wuxuu sheegay hadal ahayd duurxul siyaasadeed, wuxuuna daaha ka rogay in uu soo dhaweynayo wada jirka iyo iskaashi dhexmara gobalada Sool & Sanaag, dad badana ayaan u arkayay in hanqal-taaga Maamul gobaleed cusub oo ay gobaladaasi yeeshaan, taas oo maalmihii u dambeeyey la waday hadal-heynteeda balse aysan jirin wax banaanka u soo baxay.

Xukuumadda Puntland ayuu ku eedeeyey in ay lahayd masuuliyadda weerarkii lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland, wuxuu sheegay in golihiisa la weeraray, la jabsaday isla markaasna lagu tuntay dastuurka deegaanadaas u yaala, taas oo uu sheegay in ay muujinayso in aan diyaar loo aheyn in lagu dhaqmo.