Deg Deg:Dhoobo Daareed Oo Maleeshiyaad Soo Abaabulay Iyo Xiisad Ka Taagan Ceel-Daahir

Maleeshiyo Beeleed kasoo jeeda beesha Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Maxamed Axmed (Dhooba-Daareed) ayaa galabtay saldhig ka sameystay duleedka deegaanka CeelDaahir oo muhiim u ah isku socodka gobalada Puntland, gaar ahaana Boosaaso & Garoowe.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay maleeshiyaadkani ka careysan yihiin weerarkii lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland, oo ay ku eedeynayaan in ay dad gaar ah ka dambeeyeen ,

Maleeshiyo beeleedka cusub ayaa wararku sheegayaan in ay doonayaan in ay kala joojiyaan isku socodka gaadiidka gobalada Nugaal & Barri, taas oo ka dhigan haddii ay dhacdo talaabo ay dad badan dhib kasoo gaari karto.

Wada hadal ay isku dayeen in ay Odayaasha dhaqanka ee Ceeldaahir ku xaliyaan arrintan ayaa fashilmay oo ay diideen in ay amarkooda qaatan.

Gaadiidka safarleyda ah ayey ku noqonaysaa caqabada koowaad, maadaama isku socodka Boosaaso & Garoowe ay muhiim u tahay in la maro wadadaas, waxaana talabaadan loo arkaa mid halis leh.

Xukuumadda Puntland ayaan wali ka hadlin arrimaha ku saabsan weerarkii ay ku qaaday xarunta baarlamaanka iyo talaabadii ka dambeysay ee xilka looga qaaday gudoomiyihii baarlamaanka Puntland