Deg Deg:Axmed Karaash Oo Si kulul Uga Hadlay Labo Qodob,

Garoowe{ Khaatumonews }Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka PUNTLAND Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) oo xiriir lasoo sameeyay warqabadka Warbaahinta wuxuu been abuur ku tilmaamay warar la faafiyay oo qaarkood lagu sheegay idaacad wareysi la yeelatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland

“Been abuur weeye warka la faafinayo,waxba kama jiraan idaacad wareysi uu siiyay/la yeelatay Madaxweyne kuxigeenka”

Sidoo kale warka kasoo baxay xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland waxaa lagu beeniyay oo lagu sheegay,habayaraatee inaanu jirin khilaaf iyo cid ay is-hayaan toona Madaxweyne Axmed Karaash.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa jira dad Baraha Bulshada Ku baahinaayay Qoraal u Dhigan Sidan oo la yidhi madaxweyne Karaash oo Idaacad Waraysatay ayaa yidhi””  caruurtu naasaha hooyadood wey ku ciyaari karaan, laakiin kuma ciyaari karaan xiniyaha aabbahood.” “