War Deg Deg Ah Daawo:Gudoomiye Dhoobo Dareed Oo Hada Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Dhoobo Daareed ayaa Hada ka hadlay Weerarkii caawa lagu Qaaday Aqalka Barlamaanka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhoobo Daareed ayaa sheegay In Weerarkaasi uu Amray Madaxweynaha Puntland ISlamarkaana Xoog La iskugu Sheegtay Gudaha Garoowe,

Gudoomiye Dhoobo Dareed ayaa sheegay In Madaxweyne Deni 26 Bishan uu ka dhex Hanjabay Aqalka Barlamaanka islamarkaana Hanjabadii Fushay Caawa.

Dhoobo Daareed, ayaa sidoo kale cadeeyay Sababta ugu weyn ee Dagaalka loogu hayo lana rabo in Meesha loo dhaafiyo ay tahay in looga shakiyay in Uu Xidhiidh la leeyahay Xukumadda Muqdisho,

Sidoo kale waxaa uu sheegay In Puntland la kala sheegtay islamarkaana La iskugu Xoog Sheegtay taasina ay keeni doonto in ay Dadku Aayahooda ka tashan doonaan.