Markii Labaad Oo Madaxweyne Farmaajo Ku fashilmo Puntland,

Madaxweynaha Dawlada Fadaraalka soomaliya ayaa Dagaal Toos ah wuxuu kula jira Maamulada Beesha Daarood Gaar ahaan Labada maamul ee dalka ugu Miisanka weyn uguna Nabada iyo Horumarka Badan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Dhamaadkii 2018 waxaa uu dagaal ku soo qaaday puntand dagaalkaasi oo ahaa qorshihiisu in Uu Saamayn Ku yeesho Doorashadii Puntland ee xiliga socotay Balse taasi markii danbe uu ku fashilmay islamarkaana Xukumada Uu Hogaamiya Farmaajo ay Ka noqotay Dibad Joog Doorashada Puntland.

Markii labaad Ayuu Madaxweyne Farmaajo isku dayay In Uu hadana Ka dhex bilaabo ololihiisa Doorasho 2020 Puntland, Islamarkaana waxaa uu Wadahadal hoose Oo Lagu Majo Xaabinaayo Xukumada Deni la yeeshay Gudoomiye Dhoobo daareed oo ugu danbayntii Maanta ku jira saacadihii ugu danbeeyay ee looga taqalusaayay.

Weerarka Xukumadda Farmaajo Ku hayso Puntland ee Labada jeer fashilmay ayaa Cashar u noqonaaya Cidkasta oo ka aaminsaneed Puntland Tabta Dhuusamareeb ama Koonfur Galbeed.

Waxaa Xasuus mudan in Isku Daygan Hada Xukumadda Farmaajo usoo Adeegsaday Gudoomiye Dhoobo Daareed uu yahay kii ugu danbeeyay.

Jubaland ayaa Iyana Sidan oo kale Uga badbaaday qorshe uu Farmaajo la damacsana kadib markii Xukumadda Axmed madoobe Awood isku hortaagtay Damacii Siyasaadeed ee Madaxweyne Farmaajo.

Isku Soowada duubo Talaabadan ay Xukumadda Madaxweyne Deni qaatay ayaa ah mid dhoolatus u ah cidkasta oo Puntland Ka aaminsaneed in ay tahay Meel Cidwaliba iska Gashan Karto gacanta,