Deg Deg:Gudoomiye Dhoobo Daareed Iyo Maleeshiyaadkii U Watay Xagay Aaden War Cusub Maxaase Ka jira Iscasilada,

Waxaa goordhawayd laga saaray xarunta baarlamanka Puntland maleeshiyo hubaysan oo la sheegay inay taabacsan yihiin Gudoomiyaha baarlamanka ka dib culays uga yimid dhanka dowladda iyo waxgarad la heyb ah sida ay u xaqiijiyeen Khaatumonews saraakiil ka tirsan laamaha amaanka.

Ciidankan laga saaray xarunta oo fiidkii israsaasayn ku dhexmartay Aaaga baarlamanka booliska GAROWE ayaa watay sida la xaqiijiyay saddex gaari oo nooca dagaalka,waxayna uga wareegeen goobta laga saaray hoyga uu ka degan yahay Garoowe Gudoomiyaha baarlamanka Puntland.

Gudoomiye Dhoobo Daareed iyo Maleehsiyaadka u Watay ayaa Dhakadda sare waxaa Ka Haystay Ciidamada Putland Balse waxaa Markii Danbe ku Guulaystay in Si Nabad Ah looga Saaro Hoolka Gudoomiyaha iyo Maleeshiyaadka u wato Isimada Puntland,

Saacadihii u dambeeyay waxaa isku geedaamay xarunta baarlamanka ciidamo ka tirsan Puntland oo qorshahoodu ahaa inay si xoog ah uga saaraan xarunta baarlamanka ciidanka taabacsanaa Gudoomiyaha oo hab nabadgalya goordhaweyd uga baxay xarunta ka dib dadaal dheer oo ay galeen xubno isugu jira masuuliyiin xilal ka haya dowladda iyo qeybaha bulshada.

Ka bixitaanka ciidankaan ayaa imaanaysa xilli khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh ay ka dhalatay israsaasayn caawa fiidkii dhexmartay iyaga iyo ilaalada taliyaha booliska oo sheegay si lama filaan ah rasaas in loogu furay isaga iyo ilaalo yar oo la socotay.

Xukumadda Deni, Ayaa wada In Mooshinka Lagu ridaayo Gudoomiye Dhoobo La Qabto Saacadaha Soo Socda,

Dhanka kale waxaa Jira warar Hoose Khaatumonews Soo Gaadhaya oo Sheegaya in Gudoomiye Dhoobo Daareed IScasilaayo,

Wixii Soo Kordha kala soco Khaatumonews