Deg Deg:Masuul Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo ku Dhintay Dagaalkii Garoowe,

Allaha u naxariistee ku xigeenkii agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland ayaa goor dhaw u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal magaalada Garowe ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland.

Cabdikariim Maxamed Faarax “Dhagaweyne” ayay rasaasta ay isku ridayeen ciidamadu waxa ay kula dhacday goob ganacsi oo uu kulahaa meel aan ka dheereyn Aqalka Baarlamaanka Puntland oo ay caawa weerareen ciidamada gaar ka ah ee Madaxtooyada Puntland.

Is-rasaasayn mudo socotay ayaa afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka ku dhex martay ilaalada Aqalka baarlamaanka iyo ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ka mida yahay askatii uu dagaalku dhex maray iyo agaasime ku xigeenkii hey’adda socdaalka Soomaaliya faraceeda Garowe, sidoo kalana haa ganacsade caan ah ayaa ku geeriyooday shaqaaqada, waxaana jira dhaawacyo kale.

 38 total views,  1 views today