War Deg Deg Ah:Gudoomiye Dhoobo Oo Adhaxda Ka Jabay iyo Xildhibaanadii Dhulbahante Ugacan galay Deni,

Waxaa sii xoogaysanaya dagaalka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo madaxweyne Denni oo haatan mid walbaaba awoodiisu ku tijaabin doono xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Labada masuul oo uu ka dhaxeeyo khilaaf xoogan iyo dagaal siyaasadeed oo aad culus ayaa kala ah weerar iyo difaac, waxaana madaxweyne Denni uu si cad u aqbalay in xasaanada gudoomiyenimo laga qaado C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed.

Dhanka kale waxaa jira War hada Soo Gaadhaya Shabakadda Khaatumonews, ayaa sheegaya in Xildhibaanada Beesha Dhulbahante oo Gaadhaya 17 Xildhibaan ay 15 kamid ah 17 xildhibana ay ugacan galen Madaxwyen Deni.

Sidoo kale waxaa jira in durbaba xildhibaanada Loo Diyaariyay Inay Ridan Gudoomiye Dhoobo Daareed, Lagu Baayacay lacag gaadhaysa 40 kun oo Dollar xildhibaankiiba,

Xildhbaanada Beesha warsangali, ayaa iyana badankoodu U gacan galay Xukumadda Madaxweyne Deni,

Gudoomiye Dhoobo Daareed, oo khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyay Madaxweyne Deni, ayaa khilaafkoodu sii laba Qarxay kadib markii Si Joogto ah oo laba goor ah Uu Xildhibaan Cawil Daad Aqalka Barlamaanka Uga Weeraray Xukumada Madaxweyne Deni,

Wixii Soo Kordha kala soco Khaatumonews.com