600 Deg Deg::War Culus Oo Ka Soo Kordhay Xiisadii Mooshinka Gudoomiye Dhoobo Dareed, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::War Culus Oo Ka Soo Kordhay Xiisadii Mooshinka Gudoomiye Dhoobo Dareed,

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa ku wargeliyay mudanayaasha, in ay fasax yihiin laga bilaabo Khamiista berriya ilaa maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda, wakhtigaasi oo dib la isugu soo laaban doono, si ay u sii socdaan hawlaha Baarlamanka.

Golaha ayaa saaka magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo uruurin doona nuxurka warbixinno kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay laga dhegaystay guddi-hoosaadyada Baarlamanka. Xubnaha cusub ee la magaaacabay, ayaa Isniinta todobaadka soo socda la dhegaysan doonaa xog-uruurinta ay ka sameeyeen warbixinihii guddi-hoosaadyada golaha wakiilada.

Dhinaca kale, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Khaatumonews u xaqiijiyay in 33 mudane oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka ay saxiixeen mooshin xilka qaadis ah oo ka dhana guddoomiye Dhoobo.

Xildhibaannada mooshinka wada, ayaa sida la sheegayo waxaa dabada ka riixaysa xukuumadda Puntland, kadib markii la xallin waayay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Dhoobo.

Mooshinka ayaa sida qorshaysneyd la gudbin lahaa maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda, balse guddoomiyaha ayaa sii fasaxay mudanayaasha, inkastoo aan la ogayn tallaabada xigi doonta.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...