Deg Deg::Jubaland Oo Beenisay In Ciidan Ka Goostay, Wa ‘Ayo Hadaba Maleeshiyaad Farmaajo Ku Sheegay Ciidanka Jubaland,

Saraakiisha Ciidanka Dawlad goboleedka Jubaland Ayaa Beeniyay war ilaa maanta lagu baahinaayay qaar kamid ah Baraha bulshada iyo Warbaahinta qaarkood,

Saraakiisha ciidanka Jubaland, ayaa sheegay in wax Ciidan ah oo jubaland Ka baxay oo Ku biiray Maamulka Muqdisho aysan Jirin.

Sidoo Kale saraakiisha ayaa wax lagu Qoslo ku Tilmaantay Beenta Ay isku Qancinayaan Farmaajo iyo Kooxda yare Ku xeeran

Xukumadda Xamar ee Farmaajo Hogaamiyo ayaa Baraha Bulshada Ku baahisay warar Been abuur ah oo Ay Ku sheegayso in ciidan Kamid ah Kuwa Jubaland ay Isku dhiiben Ciidmada loogu yeedho Kuwa dawladda Muqdisho,

Ciidanka Farmaajo Ku Sheegayo kuwo Ka goostay Jubaland ayaa ah Maleeshiyad uu hore ugu Urursaday Deegaankiisa islamarkaana 8 Bilood ka hor U ururshay Beeshiisa Gobolka Gedo,

Maleeshiyaadkan ayaa hore uga mid ahaa kuwo Si gaar ah Farmaajo halkaasi ugu Urursaday waxayna Ka Bexen oo Maleeshiyaadkaasi iyo Farmaajo isku dhecen Markii la xidhay Wasiir Janan oo ay isku beelyihiin Ciidankaasi.

Farmaajo ayaa Sadexdii casho ugu danbeeyay udiray maleeshiyaadkaasi Ciidamo itoobiyan ah si ay ugu qanciyan Maleeshiyaadka inay La heshiiyan Farmaajo waxana ugu danbayn Maleeshiyaadkaasi aqbalen in Ay La heshiiyan Farmaajo iyadoo loo balan qaaday Codsi ahaa in La soo daayo wasiir Janaan.

Xukumada Muqdisho oo Wada Cad Laga Mariyay Deegaanada Jubaland ayaa hada bIlowday Been Abuur iyo Dacaayad Ay Iskaga Biinayso Dhirbaaxooyinkii Ka qabsaday Dagaalkii ay ku soo Qaaday Jubaland oo ay kala Kulan Tahay Dhirbaaxooyin aysan Filayn

Goordhow Shir Saxafadeedka Saraakiisha Jubaland Naga filo

 53 total views,  1 views today