Deg Deg:Farmaajo Guddiga Wadahadalka Somalia iyo Somaliland Ka Saaraya Xubintii Ka Soo Jeeday SSC,

Muqdisho{ Khaatumonews }Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Wada qorshe uu kaga saraayo Hal Xubin oo kamid ah Guddiga u saaray wadahadalka Fadaraalka iyo Maamulka Somaliland.

Maamulka Somalilad, ayaa sheegay in Aysan Miiska wadahadalka Dawlada Fadaraalka soomaaliya La soo fadhiisan Doonin inta ay ku jiran Xubno Ka soo jeeda Gobolada Waqooyi gaar ahaan Gobolada SSC.

Guddiga wadahadalka ee Farmaajo magacaabay ayaaa waxaa ku jira Hal Xubin oo ka soo jeeda Gobolada SSC.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa hada wada Qorshe uu xubintaasi uga saraayo booska isagoo ku qancinaaya maamulka Somaliland,

Madaxweyne Ismaacil Cumar Galle ayaa la sheegay in uu Ku Qanciyay Madaxweyne Farmaajo in uu Wax ka badel ku sameeyo guddiga uu usaaray wadahadalka Fadaraalka ee Somaliland ay ka cabanaso.

Maamulka Somaliland, ayaa aaminsan In uu Gobolada SSC, ay ka tirsan yihiin Dhulka ay Ka taliyan islamarkaana waxay doonayan inay Ku Gorgortaman.

Waxaa xasuus mudan in Wadahadal kasta oo Dhexmara Maamulka Somaliland iyo Xukumada Muqdisho, in uu ku fashilmo is fahan waa ka yimaada sida loo mareeynaayo Gobolada SSC.

Qorshahan uu Wado Madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid Halis ku ah Midnimada soomaaliya islamarkaana meel uga dhac ku ah Bulshada SSC,

Xubinta la doonaayo in laga saaro Gudiga Wadahadalka Somaliland iyo Somalia Ayaa ah Xildhibaan AliĀ JangaliĀ  oo ka soo jeeda Gobolada SSC

Xasan Shekh maxamud iyo Sheekh Shariif, ayaa labaduba Hore somaliland uga diiday in Laga saaro Xubnaha ka soo Jeeda Gobolada SS,C ee Fadaraalka Ka socda Gudiga waxayna taasi keentay markii Xukumadahasi ku adkaysten in aan laga saarin in wadahadaladasi burburan

 58 total views,  1 views today