Deg Deg Daawo:Ciidanka Puntland Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Xarunta Barlamaanka iyo Dhoobo Daareed Oo Ku Dhex Jira Xarunta,

Waxaa caawa Weerar Laba Jiho Ah Ku qaaday Aqalka Barlamaanka Puntland Ciidamo Ka Tirsan Madaxtooyadda Puntland iyo Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Weerarkan ayaa yimid Kadib markii uu Maanta Xaruntaasi keenay Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Sadex Gaadhi oo Ciidan ah.

Madaxtooyadda ayaa Amartay Caawa In Guud Ahaan Xarunta Barlamaanka Ay Gacan Ciidan Gasho ilaa iyo Inta Laga Gaadhaayo Xal Xiisada Gudoomiyaha iyo Xukumadda Ka dhex Aloosan.

Ciidamada Weeraray Xarunta ayaa Xooga Iska caabin Ah kala kulmay Sadex gaadhi oo ilaallo u ahaa Gudoomiye Dhoobo daareed, balse ugu danbayntii Ciidamada Puntland, waxay Qabsaden Guud ahaan Xarunta iyado Sadexdii gaadhi ee Goobta ku Sugnaa ay Ku Sugan yihiin Meel aan Saas Uga Fogen Xarunta Barlamaanka.

Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Xubno Xildhibaano ah ayaa Gudaha ugu jira Xarunta Ay Ku Ha Reeraysan yihiin Ciidamada Puntland.

Saraakiisha Qeyb kamid ah Oo La hadlay Khaatumonews waxay Sheegen in Aysan Gudaha Xarunta U galin Ciidanku islamarkaana Ay Ciidanku ilaalinayaan Xasiloonida Xarunta iyo Xubnaha ku sugan oo Waajib ka saaran yahay in ay iIaaliyan.

Khasaare Isugu jira Dhaawac iyo Dhimasho ayaa ka dhashay Weerarkan oo Socday wax ka yar 20 Daqiiqo,

Gudoomiye Dhoobo Daareed Oo Gudaha ugu jira Xarunta Lahaysto ayaa la filaya in saacadaha Soo Socda Ay ka soo saaran Gudoomiyaha Xarunta Xubno Isimo ah uu Hogaminaayo Islam Ciise,

Dhanka kale Guud ahaan Caasimada Garoowe Ayaa caawa Lagu Soo Daadiyay Ciidamada kala duwan ee Puntland Kuwaaso Xidhay Isku Socodka Caasimada,

Wixii Soo Kordha kala soco Khaatumonews.com