Deg Deg Daawo:Maamulka Hargaysa Ku Dhawaaqay War Aan Laga Filayn

Maamulka Somaliland ayaa qaaday talaabo farxad galisay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii madaxweynaha Somaliland uu ku dhawaaqay magacaabista gudi uu u xil saaray fatahaadaha wabiga Shabelle oo saamayn xoogan ku reebay shacabka ku dhaqan magaalaa Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

HALKA KA DAAWO VIDEO

Gudida Somaliland u xil saartay fatahaadaha wabiga Shabelle oo maanta shir ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay in magaalada Baladweyne ay ku barakaceen dad fara badan sameeyeena farahaadihii ka dhacay magaaladaasi.

Jamaal Caydiid Ibraahim oo ah gudoomiyaha gudida Somaliland u magacowday fatahaadaha magaalada Baladweyne ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wada hadleen uu balanqaaday dhankiisa ka qayb qaadashada gurmadka loo samaynayo shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne, isagoona geesta kale xusay in Somaliland oo dhan ay ka socdaan gar gaarka iyo gurmadka loo fidinayo shacabka Baladweyne.