600 Xukuumadda NN iyo Xukuumadihii ka horeeyey yaa nuglaa Sucuudiga?. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Xukuumadda NN iyo Xukuumadihii ka horeeyey yaa nuglaa Sucuudiga?.

Muddo haatan laga joogo sadexsano ayaan qoraal kooban ka qoray xidhiidhka aan isu dheeli tirnayn ee Soomaaliya iyo Sucuudiga iyo qaabka xukuumadaha Soomaaliya uu dalka Sucuudigu cadaadiska u saaro markuu doonayo in uu dal kale weerar siyaasadeed ku qaado , Sucuudiguna u muujiyana in dalal badan oo isaga la garab ahi jiraan, marka laga reebo arrintii Qatar, Soomaaliya waxay Sucuudiga isku garab taagtay arrimo aad u fool xun oo ay ka mid ahayd dilkii wariyihii Maydkiisa la dhalaaliyey ee Jamaal Khashuqji.

Dad badan waxay xilligaas aan qoraalka ka qoray xidhiidhka Soomaaliya iyo Sucuudiga aad ula dhacsanaayeen xukuumadda Mudane Madaxweyne Farmaajo oo ay u arkayeen xukuumad ka qabweyn xukuumadihii hore, doodooduna waxay ku qotontay in ay marxaladaasi tahay mid laga soo gudbay, hasa yeeshee maxaa dhacay?.

Sucuudigu intii dawladii labaad ee Soomaaliya dib loo yagleelay 2000, gaar ahaan wixii laga bilaabo 2012kii Sucuudigu wuxuu aad culayska u saaray in uu mawqifka Soomaaliya gacanta ku dhigo.

Xukuumadaha Soomaaliya soo maray waxaa aad Sucuudiga ugu dhex milmay sadex xukuumadood.
Xukuumaddii Shiikh Shariif, Xukuumaddii Xasan Shiilkh Maxanuud iyo xukuumadan Farmaajo.

Qoraaladii 2015kii Wikileaks lagu soo bandhigay ee laga jabsaday wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga waxaa ku cad arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan.

Warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga tirsigeeduna yahay 1/5/6 ,taariikh 20,02.1434h oo ku beegnayd 21.12.2012 , waxaa lagu cadaynayaa in ergaygii Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay uu ka gaabiyey in uu u codeeyo qorshe uu Sacuudigu watay kaas oo ahaa mid lagu canbaaraynayey dalka Suuriya , qoraalkan lagu sheegayo in Soomaaliya ka gaabisay in ay codayso ayaa isla isaga lagu tilmaamayaa in lacag 50 kun ah la siiyey ergayga Soomaaliya u fadhiya Newyork lacagtaas oo isagu jirta tigidh diyaaradeed Newyork/Muqdisho ah, darajada koowaadna ah, oo sii socod iyo soo socod ah, waxaana lagu sheegayaa in iyada oo sidaas loo sameeyey in uu ka gaabsaday in uu codkaas ku biiriyo cododka Sacuudiga, waxaana warqadda lagu qeexayaa in aan looga hadhin ee la weydiiyo.

Isla warqadda tirsigeedu yahay 303/1/5/6/506 , taariikhda 21.02.1434 oo ku beegnayd 22.12.2012 oo ka soo baxday ergayga Sacuudiga u fadhiya Newyork ayaa lagu qeexay in la weydiiyey ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay sababta uu ugu codayn waayey mooshinka Sacuudigu watay , wuxuuna ku jawaabay ergaygii Soomaaliya in uu ka gaabsaday ka dib markii uu Muqdisho ka waayey wax jawaab ah, taasna ay ugu wacnayd in ay Muqdisho ka jirtay isku shaandhayn wasaaradeed oo raysal wasaarihii la badelay, wuxuuna balan qaaday ergayga Soomaaliya in aanu mar danbe ka gaabsan doonin go’aamada Sacuudigo wato. Waa xukuumaddii Shiikh Shariif xilliged

Waxa kale ka buuxa buuxa Wikileaks xogo badan oo xilligii xukuumadda Xasan Shiikh Maxamuud ku saabsan oo tilmaamaya sida ay xukuumadaasi u gacan hoorsan jirtay Sucuudiga Madaxda ugu saraysa ilaa wasiiradu, taasina waa mid ilaa hadda socota horena u jirtay.

Haddii xukuumadihii hore wixii iyaga iyo Sucuudiga dhexmaray ay sir u badnaayeen iyo daaha gadaashiisa oo lagu soo bandhigay Wikileaks, xukuumadan Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyada ayaa si aan shaki geli karin u soo bandhigta, waxaana taas cadeynteedu tahay qoraalada aan qaarkood biluhu u dhaxayn ee Sucuudiga maqifyadiisa qaarkood damiirku diidayo ay ku taageertay xukuumadani.

Waxaa ka mid ah.

  1. Kanada oo ay canbaaraysay oo ay Sucuudiga garabka saartay. Sidaas waxaa lagu cadeeyey bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya 07.08.2018kii.

2.Jamaal Khaashaqji dhalaalintiisii oo ay Sucuudiga ku raacday aragtida ay arrintaasi ka soo bandhigeen, 14.10.2018 xukuumadda Farmaajo waxay soo saartay bayaan ay ku garab istaagtay Sucuudigu markuu inkiray in aysan dilin Jamaal isla markaana aanay warka hayn meel uu joogo qunsilayadana ka baxay.

17.11.2018 xukuumadda mudane Maxamed Farmaajo waxay soo saartay qoraal ay hadana ku taageerayso qaabka Sucuudigu markuu qirtay dilka Jamaal hawsha u abbaarayo.

3.Xuuthiyiinta oo ay markasta oo Sucuudigu ka doono in ay xukuumadda Soomaaliya canbaarayso ay canbaareeyaan ilaa hadda shan bayaan waa ay ka soo saartay xukuumaddu oo uu ugu danbeeyey kay ka soo saartay 14.06.2019.

Shaki kuma jiro waraaqaha ay labada dhinac daaha gadaashiisa isku weydaaranayaan inta aan bayaanadan la soo saarin in ay la mid yihiin kuwa lagu soo bandhigay Wikileaks oo kale, waxaase xaqiiqo ah marka lays dhinac dhigo xukuumadihii Soomaaliya soo maray in ay xukuumadan madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo ay tahay tii ugu nuglayd Sucuudiga .

W/Q Asad Adaani Ibrahim.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...