Deg Deg:Deni Oo U yeedhay Isimada Puntland,
Shabakadda Khaatumonews waxay ogaaday in ay Madaxtooyada Puntland hadda dadaal badan ku bixinayso sidii ay iskugu keeni lahaayeen Isimadda mandiqadaas oo dhan todobaadka nagu soo aadan, waxaana Garoowe hadda yimi qaar kamid ah Isimada gobalada Sool & Cayn, sidaas oo kale kuwa gobalada Sanaag, Barri & Mudug ayaa lafilayaa in ay soo gaaraan caasumada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dalbaday in uu shir gaar ah la yeesho Isimadda oo uu kala hadlayo arrimaha ku wajahan waxyaabaha taagan iyo caqabado waa weyn oo ka haysta deegaanada qaarkood.
Puntland waqtigan waxaa ka jira arrimo badan oo qaarkood u muuqda kuwa aan wanaagsaneyn, gaar ahaana meelaha qaarkood dad badan ayaa u arka in aysan dawladdu waxba qabanin oo aan wali aqbalin natiijadii doorashada.
wixii Soo Kordha kala soco Khaatumonews.com
