600 Raysal Wasaaraha Dalka Oo Ka Guuray Halku-Dhigii Farmaajo Ee Nabad iyo Nolol | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Raysal Wasaaraha Dalka Oo Ka Guuray Halku-Dhigii Farmaajo Ee Nabad iyo Nolol

Waxaa Maanta Baraha Bulshada ka socoto dood ku saabsan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka guuray hal ku dhegga Nabad iyo Nolol una guurey hal ku dhig cusub oo hadal heyn badan dhalisay.

Ra’isulwasaaraha ayaa markii hore barahiisa bulshada u isticmaali jiray haldhigga ay caanka ku tahay Dowladda Farmaajo ee Nabad iyo Nolol balse waxaa lagu badalay laba hal kudheg oo cusub kuwaas oo kala ah: Hiigsi iyo Horumar iyo  Ammaano iyo Adeeg

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa hal ku dhegyada cusub u adeegsaday gunnaanadka qoraal ku saabsanaa  kulan dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga adduunka Dr. Xaafid Gaanim oo lasoo dhigay bartiisa Twitterka.

Arrintaan uu ku dhaqaaqay Ra’isulwasaare Kheyre ayaa lagu micneeyey inay qeyb ka tahay ololihiisa ku aadan Doorashada dalka ka dhici doonto 2021 oo la filayo inuu noqdo musharax ka madax banaan Dowladda talada heyso.

Madaxda ugu sareyso dalka ayaan ilaa hadda  ku dhawaaqin wax xisbi ah, wuxuuna horey u sheegay Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed inay Dowladda ku dhawaaqi doonto xisbi weyn.

Lama ogo haddii ay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ku heshiin doonaan xisbiga cusub oo ay dowladda ku dhawaaqi doonto inkastoo loo badinayo inay Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha ku tartami doonaan kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya taasoo aan aheyn mid ku cusub siyaasadda Soomaaliya.

Ra’isulwasaare Cabdiweli Gaas ayaa horey ula tartamayey Madaxweyne Shiikh Shariif doorashadii dhacday sanadkii 2012.

Sidoo kale Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa doorashada  kula tartamay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2016.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...