600 Deg Deg Daawo:Sheekh Shibil” Taalooyinka Muqdisho madaxa halaga Guro si ay mubaax u noqdaan” | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Sheekh Shibil” Taalooyinka Muqdisho madaxa halaga Guro si ay mubaax u noqdaan”

Shiikh Maxamuud Shibli oo ka tirsan Culimada Soomaalida ayaa ka hadlay taalooyinkii dhawaan dib looga taagay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyo waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shiikh Shibli ayaa sheegay in shareecada islaamka aysan meelna uga qorneyn in taalooyin la sameeyo magac kasta haloo yeelo ama maamuus maqaam.

“Si kooban Shareecada Islaamka ma qabto in taalooyin la dhiso magac kasta haloo yeelo, ama maamuus maqaam ” ayuu yiri.

Shiikha ayaa sheegay in taalooyinka loo xaaraantinimeeyey iyadoo laga cabsanayo inay ka dhalato fidnimo iyo fasaad sidaasna uu Rasuulka ku amray in la burburiyo taalo kasta oo la arko.

Shiikh Shibli oo ka hadlayey waxa ay shareecada ka qabto in lacag lagu bixiyo dhimsha taalooyinka ayaa sheegay inay qalad tahay.

Wuxuu caddeeyey inaysan macna laheyn taallo meel la suray, dadkuna ay wax ku noqon karaan in damiirkooda la dhiso, tarabiyadooda la toosiyo.

Wuxuu ku tilmaamay in lacag aysan u qalmin lagu bixiyey dhismaha taalooyinka taas badalkeedana ay aheyd in dadka la dhiso.

Ugu dambeyntii wuxuu tilmaamay inaysan jirin si ay ku banaan tahay taalooyinkaas.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Dowladda Soomaaliya lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay dib u habeynta taalooyinkii loo sameeyey halgamayaashii dalka soo maray.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...