600 Deg Deg:Sheekh Shariif Oo Muqdisho Kula Shiray Saraakiishii iyo ciidamadii Maxkamadaha islaamiga udagaalami jiray | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Sheekh Shariif Oo Muqdisho Kula Shiray Saraakiishii iyo ciidamadii Maxkamadaha islaamiga udagaalami jiray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa saacadihii lasoo dhaafay wuxuu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Maxkamadihii kuwaasoo hadda kamid ah dowladda Farmaajo.

Kulamaddan ayaa kusoo aadaya xili uu khilaaf culus ka dhex-taagan yahay dowladda iyo xisbiga Shariifka ee lagu magacaabo Himilo Qaran, kaasoo ku biiray mucaaradka Nabad iyo Nolol.

Illaa iyo haatan si dhab ah looma ogga waxay kawada xaajoodeen mas’uuliyiinta, kuwaasoo shirkoodu ahaa mid qarsoodi ah isla markaana ay gebi ahaanba saxaafada ka ahayd dibad-joog.

Shariif ayaa haatan u muuqda mid cago dhigtay Muqdisho, isla markaana guda galay olohihiisa doorashada soo aadan.

Siyaasigan ayaa dhowaan loo doortay in uu noqdo hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku midoobeen xisbiyadda ugu waaweyn dalka marka laga reebo midka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in Madashan ay cadaadiska ku kordhin doonto dowladda Farmaajo oo qudheeda damacsan in ay madaxdeedo soo noqdaan doorashada 2020-21 oo aad isha loogu hayo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...