600 Deg Deg:;Roobab Xoogan oo ka Da’ay Bari iyo Sanaag, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:;Roobab Xoogan oo ka Da’ay Bari iyo Sanaag,

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay roobab xoog leh mudo dhan 24 saac ka da’ayaan deegaano kamid ah gobalada Barri, Sanaag, Gardafuu (Caluula) oo dhamaantood ah deegaanada Puntland.

Roobabkan ayaan geysan wax khasaare ah, waxayna si wanaagsan uga da’ayaan gobaladaas, taas oo ka dhigan in Allaah raxmadiisa ugu bedelay duufaantii cabsida laga qabay in ay ku dhufato deegaanada xeebaha kuyaala iyo kuwa gobaladaasba.

Warar kale ayaa sheegaya in cirka si wanaagsan u muuqdo oo ay daruuro biyeysan saaran yihiin xeebaha Mudug & Nugaal, iyadoo ay sheegayaan meelaha qaarkoodna in roobab shuux ah ay ka da’ayaan.

Roobabkan ayaan gabi ahaanba wadan wax dabeyl ah, waxayna u da’ayaan si wanaagsan oo an waxba dhibaato ah laheyn, sida ay u shegeen warbaahinta dadka deegaanadaas.

Sidaas oo kale magaalada Berbera iyo dhanka xeebaha deegaanada dhaca ayaa sheegaya in ay jiraan curasho wanaagsan oo roobabka ah, isla markaasna roobkan uusan wadan wax dhibaato ah.

Deegaanadaas waxa maalmo ka hor ku soo wajahnayd duufaanta Kyarr ee jimcihii la shaaciyay in khatarteedii ay si weyn hoos ugu dhacday.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...