600 Deg Deg Daawo:Khayre Oo La kulmay Sarkaal Mareykan Ah | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Khayre Oo La kulmay Sarkaal Mareykan Ah

Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka Richard Clark ayaa magaaalada Muqdisho kula kulmay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa qoraal kooban oo uu ka sameeyay Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya lagu sheegay in looga wada hadlay dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

“Sidii AL-shabaab looga saari lahaa dhulalka ay ka maamulaan Soomaaliya, Mareykankuna waa uu nagu taageeray, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashigeenna amaanka, howlgallada isku dhafka ah, dib u habeynta Ciiidanka amaanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliyaha Holwgallada gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxaa uu Magaalada Nairobi Jimcihii kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya,iyo Taliyaha Ciidanka difaaca dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka kala hadashay in Mareykanku ogolaado in Al-shabaab lagu daro qodobka 1267 ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhowr bilood ka hor Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo jeedinta Kenya diiday,waxaana waddamada ka hor yimid ka mid ah Soomaaliya, Mareykanka, UK iyo kuwo kale.

Qodobka 1267 ayaa ogolaanaya in ururrada halkaas la geliyo degaannada ay ku suganyihiin laga fulin karo weerarro aan loo tureyn rayidka ku nool, sidoo kale lama gaarsiin karo wax gargaar ah,waxaana loo arkayaa hay’adda ku dhaqaaqda in ay taageerto Argagixisada.

Lama oga in Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Taliyaha Mareykanka ka socda kala hadlay rabitaanka Kenya ee ay ku dooneyso in AL-shabaab lagu daro qodobkan 1267 ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...