Ahlu Sunna Markay Tamarta hayeena talada may Abbaarin, maanta oo aanay tamar lahayna talo ma hayaan.{تلك أمةٌ قد خلت.}

Soomaalidu waxkasta horre ayay Uga maahmaahday waxayna dhehen” ileen Tallo isuma kaa sheegto” oo ujeedku yahay ileen tallo xiligii loo maahna aan lagu tashan oo xili ay tagtay la tabay.

Urur Diimeedka, Lagu magacaabo Ahlu Sunna, ee saldhigoodu ahaa Deegaanada Dhuusamreeb ,Guriceel iyo Matahaab waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku dhaacayay Dhirbaaxooyin aysan filayn islamarkaana midba mid kaga daran tahay,

Ahlu sunna, waa urur Diimeed ay madax ka Ahaayen Wadaado uu kamid yahay Sheekh Shaakir ,iyo Sheeh Macalin Maxamuud Sheikh Xasan

Wadaadan, waxay Muddo ahaayen Awoodda kaliye Haysatay Caasimada Galmudug islamarkaana fashilin jiray Maamulkasta oo Galmudug Loo Dhiso kuwaaso awood ciidan iyo Mid Xisbi Diimeed Labada Isku Barkaana,

Hadaba Wadaadan ayaa Fashilkoodu waxaa uu dibada yimid Sadexdii Bilood ee ugu danbeeyay oo Xukumadda Khayre ay ku Hafisay Culimada Lacag Xoogan lacagtaaso sahashay in wadadada si sahlan loo gala wareego Gacan Ku haynta ciidankii ay haysten iyo inta badan Goobaha muhiimka ah ee Dhusamareeb sida Garoonka Diyaaradaha.

Culimadan Ahlu Sunna, oo la indho sircaaday Lacagtii xukumadda Khayre ku Hafisay ayaa Hurdada ka toosay xili Ay dhex fadhiyan Boqolaal ciidan ah oo laga keenay xamar, laguna daad gureeyay Dhulkii ay ka talin jiren sidoo kale waxay Wadaadadu Hurdada ka keceen Xili guud ahaan Dhulkii ay ka talin jiren Si Sahlan ay ugu gacan gashay Xukumada Khyre.

Hadaba Ma lo dhan Karaa Ahlu Sunna, maalintii ay awoodda lahaayen maysan odhan War maxaynu ka yeelna xukumada Khayre, maanta oo aysan awood hayna Waxay Raadinayan wixii ay Maalinta Lumiyen,

Ugu Danbayn Hadaan usoo daadago wixii ka dhacaayay 24 saac ee ugu danbeeyay Deegaanada Matabaan.Guriceel,Dhuusamreeb waxay muujinayaan in Sakaraadkii ugu danbeeyay ee Ahlu Sunnma la isku wargaliyay islamarkaana saas ay kusoo dhamaatay Wixii la odhan jiray Urur Dimeedka Ahlu Sunna,