Deg Deg:Somaliland Oo Duulaan Ka Dhan Boocame Diyaarisay

Maamulka Somaliland ayaa qorshaynaya islamarkaana diyaariyay Duulaan ka dhan ah Magaalada Boocame Ee gobolka sool,

Maleeshiyaadka Somaliland ee ku sugan Koonfurta Gobolka sool ayaa loo qorsheeyay in ay Duulaan ku qaadan Degmada Boocame,

Saraakiisha ciidamadani la sheegay in amar lagu siiyey in ay u qalab qaataan iyaga iyo ciidamadoodaba deegaanada Tukaraq iyo Boocame oo ay ka samaysan doonaan saldhigyo ciidan, waxaana arintani ay ka dambaysay kadib markii saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ay heleen xoggo ah in Puntland saldhig ciidan ka dhisan doono degmada Boocame ee gobolka Sool oo qiyaastii u jirta magaalada Garowe 60 KM.

Taliyaha hogaaminaya ciidamadani oo lagu magacaabo Baashe Faarax ayaa la sheegay in amar lagu siiyey in ciidamadiisa kaga sugan deegaanada Dhumay iyo Dabataag, uu halkaasi kala baxo una jihaysto dhanka Boocame oo Somaliland hore uga qoratay ciidamo kasoo jeeda deegaankaasi, waxaana arintani ay sababi kartaa xiisad dagaal oo ka dhex qaraxda labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

Lama oga waxa ay ka arintani ka yeeli doonaan madaxda Puntland, hasa yeeshee waxaa maalmihii ugu dambeeyey soo baxayey in saldhig ciidan oo weyn ay Puntland qorshaynaysay in ay ka hirgaliso Boocame oo la filayey in uu safar ku tago madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni.