600 Deg Deg Daawo::Barlamaanka Puntland Oo Cod Dheer ku Diiday Codsigii Deni, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo::Barlamaanka Puntland Oo Cod Dheer ku Diiday Codsigii Deni,

Mudanayaasha Golaha WakiiladaPuntland, ayaa Maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad ah ku diiday, warqad uga timid Xeer Ilaalinta Puntland oo looga codsaday Baarlamanka in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad la xiriirta su’aal uu madaxweynaha ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga Baarlamanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa ka hor inta aysan cod u qaadin codsiga Xeer Ilaalinta, waxay warbixin ka dhegaysteen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka Puntland oo loo diray in ay ka soo tala-bixiyaan warqadda xeer Ilaalinta.

Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka, Xil. Saadiq Abshir Garaad oo warbixinta u akhriyay mudanayaasha, ayaa sheegay in su’aashii xildhibaan Cawil Xassan Daad uu furitaankii Baarlamanka ku weydiiyay madaxweyne Deni ay si cad u waafaqsantahay Dastuurka Puntland iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada.

Mudane Saadiq ayaa sidoo kale sheegay in warqadda codsiga ah ee Xeer Ilaalinta Puntland ay Baarlamanka u soo jeedisay in xasaanadda laga qaado xil. Cawil Daad, si dacwad ciqaabeed loogu oogo, ay tahay mid gebi ahaanba baal-marsan Dastuurka Puntland.

Warbixinta Guddiga kadib, ayaa 41 mudane oo fadhiga soo xaadiray, waxay cod gacan-taag ah u qaadeen codsiga Xeer Ilaalinta, waxaana ay si wadar-ogol ah ku diideen codsigaasi, kadib markii 39 xildhibaan ay “maya” u codeeyeen.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...