Baarlamaanka oo ansixisay xisaab xidhkii Miisaaniyadii 2017, laba sano ka dib.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laba sano ka dib meel mariyey xisaab xidhkii 2017kii, iyada oo ay u codeeyeen meel marinta xisaab xidhka 128 Xildhibaan ayna diideen 8 xildhibaan, kana aamuseen 5 xildhibaan, miisaaniyadii sanadkii 2017 oo gaareyso 245 Milyan.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku eedeeyey xukuumaddu in ay qaab qaldan u adeegsatay lacag gaadhaysa 33 milyan oo ka kala timi dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Turkiga oo aan markii hore miisaaniyadda lagu soo darin, hadana xisaab xidhka lagu soo daray.

Arrintan xisaab xidh miisaaniyad sanadeedka sanadaha 2017, 2018 in badan ayaa xukuumadda lagu dhaliilayey oo ay ahayd falaadh ku taagan oo ay la tiicaysay iska fujinteena, waxayna ka mid ahayd Su’aalaha ay jawaabta u la’ayd xukuumadda NN.

Isla markaana ka mid ahaa dhaliilaha toosinta ah ee aanu xukuumadda u soo jeedino, ee ay dhibsan jirtay xukuumadda NN iyo taageerayaasheeda qaar ka mid ahi, gadaal in ay xukuumaaddu wax ka saxdo waxay ka habboon tahay in aanay waligeedba qaladkeeda saxin, sidaasi daraadeed waxaan xukuumadda NN ku bogaadinayaa xisaab xidhkii 2017ka ee ay xukuumaddu soo gudbisay, golaha baarlamaankuna ansixiyey.

Waxa kale oo xukuumadda looga fadhiyaa in ay soo gudbiso xisaab xidhkii 2018 iyo 2019 oo ay si degdeg ah u soo gudbiso, sida saxda ahina waa in ay xukuumaddu soo gudbisaa xisaab xidhka miisaaniyad sanadeedka inta aan loo gudbin soo bandhigida miisaaniyad sanadeedka cusub, sidaasi daraadeed xukuumaddu waxay dib uga dhacday laba sano in ay soo gudbiso xisaab xidhka miisaaniyadii 2017 taasina waa dhaliil weyn marka loo eego qaabkii ay xukuumadani u sheegtay in ay hawlaha u hufayso.

Xisaab xidhka miisaaniyadda 2018 wali waxay dib u dhacsan tahay sanad, waxaan iyadana rajeynaynaa in ay degdeg wax uga qabtaan soo gudbinteeda xukuumadda NN, xisaab xidhka 2019kana aanay la dhaafin wakhtigeeda.

Talaabadan ay xukuumaddu qaaday waxay jawaab u tahay su’aalaha qaarkood, waana arrin muhiim u ah shaqada xukuumadda.

Taageerayaasha xukuumadda NN waxaan u tilmaamaynaa dhaliilaha toosinta ah midha dhalkoodu waa tan oo kale, inkastoo ay jirto bulsho badan oo aan arrimaha miisaaniyadaha iyo qaabkay ku shaqeeyaan aan xog ka hayn , oo xataa xildhibaanada qaarkood aanayba fahansanayn amuurahan, sidaasi daraadeed dhaliilaha toosinta ah iyo kuwa duminta ah dhugmo haloo yeesho.

W/Q Asad Adaani Ibrahim

 53 total views,  1 views today