600 Muqaalka:Qaabka Loo Dilay Hogaamiyaha Daacish Al-Baqdaadi. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Muqaalka:Qaabka Loo Dilay Hogaamiyaha Daacish Al-Baqdaadi.

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaal muujinayo qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuukar Al-Baqdaadi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Militariga Mareykanka ayaa soo bandhigay sawiro iyo Muuqaal muujinayo duqeyntii lagu qaaday gurigii uu daganaa Abukar Al-Baqdaadi oo uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay adduun lacageed oo gaarayo ilaa 25 Malyan oo lacagta Marekanka ah.

Muuqaalka ayaa muujinayo Ciidamada Mareykanka oo rasaas la dhacayo guriga uu daganaa Al-Baqdaadi kadibna waxaa la arkayaa duqeyn culus oo lala beegsaday taasoo keentay inuu burburo dhammaan gurigii uu daganaa Al-Baqdaadi.

Al Baqdaadi ayaa kadib ku cararaya god dhulka hoostiisa ku yaala, halkaas oo kolkii dambe uu isku qarxiyey isaga oo wehliyaan saddex caruur.

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka, General Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday ka dib markii la soo daad gureeyay dhammaan Ciidamadii la qeyb qaadanayey weerarkii lagu beegsaday Hoggaamiyihii Kooxda Daacish.

McKenzie wuu awoodi waayey inuu xaqiijiyo sheegashada Trump ee ah in hogaamiyaha Isis uu qaylinayey daqiiqado ka hor dhimashadiisa.

Wuxuu sheegay in la aruuriyey haraadigii meydka Baqdaadi  kadib markii uu isku qarxiyay god dhexdiisa, halkaas oo uu ku dilay laba caruur ah oo uu watay isla markaasna lagu aasay badda dhexdeeda. McKenzie wuxuu sheegay in warbixinnada bilowga ah ay sheegeen saddex carruur ah, laakiin baaritaanadii dambe waxay muujisay laba. Labaduba waxay da’doodu ka yartahay 12 sano, ayuu yiri.Kooxda Daacish ayaa illaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin sheegashada Mareykanka ee dilka Amiirkeeda, wallow warbaahino kala duwan oo kooxdu leedahay ku kala qeybsameen xaqiijinta warka geerida.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...