dahabshiil

Dhoobo-Daareed ma isbadel doonbaa.

In badan waxaan tilmaamay in Dastuurka Puntland u baahan yahay in awood qaybsiga madaxda u saraysa dib loogu noqdo, sababtoo ah hadda dastuurka Puntland khiyaamo weyn ayaa ku jirta, awood oo dhan waxaa leh madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenku waa magac u yaal, sidaas oo ay tahay ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland loo doortaa sida madaxweynaha loo doorto, oo halkaana khalad kale ayaa ku jira oo kol hadduu madaxweyne ku xigeenku magac u yaal yahay in uu madaxweynuhu malxiiskiisa hore u soo kaxaysto isagu oo mar la wada doorto ayey ahayd sidaas Maraykanka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland sida madaxweynaha ayaa loo dooranayaa awoodna malaha oo ciyaarta wuu daawanayaa dastuurka Puntland ayey ku jirtaa.

Hadda guddoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhooba Daareed) waa mas’uulkii ugu horeeyey ee si cad u sheega in uu doonayo in wax laga badelo dastuurka Puntland, sheegayna in sadexda mas’uul ee ugu sareeya Puntland awood qaybsi beeleed ku yimaadeen sida federaalka, waana arrin muhiim ah ,kol haddii ay adkaatay in Ayuutada laga furfuro Almaxamuudiya oo awooda Madaxweynaha halka meel isugu ururtay la qaybiyo.

Waxaana muhiim ah in Puntland Cusub la aasaaso oo wajigii koowaad ee Puntland ee soo bilaabmay 1998 la soo afmeero oo Puntland la wadaleeyahay abuuranto taasina waxay ku imaanaysaa in Puntland Dastuurkeeda lagu saleeyo awood qaybsi isu dheeli tiran.

Dhooba Daareed waa uu ku saxsan yahay in wax laga badelo dastuurka Puntland waxaase muhiim ah in fikirkaasna uu la qaato Axmed Karaash oo aanay waxba gacanta ugu jirin, oo uu Dastuurku awood daro ka dhigayo, waxaana ka awood badan madaxweyne ku xigeenka Puntland wasiir Puntland ah.

Xildhibaanada Punland ee Sool , Sanaag iyo Cayn marka laysku daro 17+9= 26 xildhibaan ku dar xildhibaanada kale ee aan Almaxmuudiyada ahayn dhammaana awood qaybsiga isu dheeli tiran ay dani ugu jidho,isbadel weyn ayey ku samayn kadhaa xaaladda Puntland, xiniinyo laysma dhibaadiyo, dhabarka halka ku cuncunaysa adigaa dareemaya ee xoqida u baahan ,walaalkaa kuu joojin maayo, nin waliba dantiisuu wataa, maxaad uga tagi wiilkaaga. Dhalinyaro badan waxay la yaabaan odayaashii Sool, Sanaag iyo Cayn ka socday markii Puntland la dhisayey, Caasimadii ,Madaxweynihii , tiradii ugu badnayd ee xildhibaanada, Dastuurkii oo awoodii oo dhan hal meel laysugu geeyey intaasba hal dhinac ayey siiyeen, maantaa wiilashoodii ay taagan yihiin aabahaa ayaa sidan ogolaaday oo cidladan ku dhigay, waxaana lagu aamusiiyaa markii ay taagnayd kamay hadlin.

Guddoomiyaha Golaha wakiiladu hadduu taagan yahay in laga hadlo wixii khaldamay in la saxo, Puntland in dib loogu noqdo waa arrin ay dani ugu jirto dadka hadda u arka in wax lala qaybsado Puntland ee hawsha la haya, laakiin sidan ay hada ku socoto hal dhinac uunbaa ka faa’iida.

W/Q Asad Adaani Ibrahim

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=19097

Posted by on Oct 30 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841