600 Deg Deg::Itoobiya Oo Dhabar Jabisay Jabhadii Suldaan Wabar | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Itoobiya Oo Dhabar Jabisay Jabhadii Suldaan Wabar

Boorama{ Khaatumonews }Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Jabhadii Suldaan Wabar ay dowladda Itoobiya gacanta ku dhigtay, kadib markii ay xadkeeda u gudbeen.

Ciidamadaasi ka tirsan Jabhada Wabar ayaa waxa la sheegay in kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, ay qaarkood ka gudbeen xadka Itoobiya, midaasi oo dowladdaasina u sahashay inay gacanta ku dhigaan.

Somaliland ayaa dowladda Itoobiya ka dalbatay in ay u soo gacan galiso labo ka tirsan ciidamada Suldaan Wabar oo ay gacanta ku hayso, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Somaliland ay dalbatay in ragaasi gacanta lagu soo dhigo kadib markii ay dowladda Itoobiya ku wargelisay in xuduudkooda u soo gudbeen ragaasi oo kamid ahaa Ciidamo ka tirsan Jabhada Wabar oo weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee Boorama.

Weerarka ay Ciidamada Jabhada Wabar ku soo qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama ayaa noqonayo midkoogi ugu horeeyay ee ay soo qaadan kadib rogaal celintoodi, iyadoona ay ugu dambeysay weerar dagaal oo ay gudaha Somaliland ka fuliyaan 2017-kii.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...