Deg Deg:Ciidanka Khaatumo Caawa Gudaha Ugalay laascaanood iyo Khasaare Culus,

Ciidamada Jabhada Deegaanka Khaatumo ayaa Caawa Weerar qorshaysan ka fuliyay mid kamid ah Saldhigyadda maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood.

Ciidamada Khaatumo, ayaa Gudaha U galay Laascaanood iyagoo weerar qorshaysan Ku qaaday Saldhiga KoonfurtaSool ee Ku yaalla Xaafada Daami.

Saldhiga ay ciidanka khaatumo Ku Qaaden Weerarka ayaa jugta iyo dhawaaqa Hubka Culus oo iskugu jiray Bambooyin iyo Badh-daloolo waxaa aad looga maqlay Guud ahaan Magaalada laascaanood

Olol iyo Qiiq ayaa mar qudha is qabsaday waxaana guud ahaan gubtay oo shuf beelay Saldhiga Ciidamada Khaatumo Weerarka ku qaaden oo ay xiligaasi ku sugnaayen maleeshiyaad Kamid ah maamulka Somaliland.

Khasaare xoogan ayaa ka soo gaadhay weerarkaasi maleeshiyaadkii ku sugna saldhigaasi waxaana inta naloo xaqiijiyay dhaawac culus soo gaadhay ilaa todobo kamid ah maleeshiyaadka Maamulka Somaliland.

Ciidamada khaatumo ayaa si nabad galyo ah uga laabtay goobtasi kadib markii ay fuliyen hawlgalkaasi qorshaysan

Wixii soo kordha kala soco Khaatumonews.com

 57 total views,  1 views today