Deg Deg:Garaad Miisan Ku leh Gobolada SSC Oo Buuhoodle Soo Gaadhay

Waxaa maanta Magaalada Buuhoodle Caasimada Gobolka Cayn soo gaadhay Garaad Cabdirashiid Cismaan Waraabe Dheere.

Garaad Cabdrashiid, oo kamid ah Isimada Miisanka culus ku leh Gobolada SSC oo in mudo ah safar shaqo ugu maqnaa Dalka dibadiisa ayaa galinkii danbe maanta gaadhay Buuhoodle.

Socdaalka Garaadka ayaa kusoo beegmaya xili Shacabka Buuhoodle, Baahi weyn u qaban Kaalintii Isimada oo Ka maqan Gobolka Cayn Gaar ahaan Buuhoodle.

Garaad Cabdirashiid ayaa lagu wada in maalmaha Soo Socda uu kulamo isdaba joog ah la yeesho qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Cayn kulamadaasi oo looga hadlaayo xaalada Gobolka.

Garaad Cabdirashiid , oo Sanad ka hor Lagu Caano shubay Gobolka Cayn Gaar ahaan Deegaanka Banyaal ayaa kamid ah Isimada ay sida weyn shacabka gobolada SSC ugu kalsoonyihiin,