dahabshiil

Qoraal Ku Socda Shacabka Puntland,

Marka hore aad ayaan u salaamaya dhamaan umada soomaliyeed ee ku xidhan Shabakadda wararka khaatumonews.com

Salaan kadib waxaan doonaya in aan dul istaago Xaalada Puntand, si kooban wixii shalay ka dhacay Hoolka Barlamaanka Puntland iyo wixii dhacay mudadadii uu Xilka hayay Madaxweyne Siciid Deni.

Ujeedka hadalkayga hadaan safka hore kaga hadlo Xildhiban Cawil Daad, oo shalay Madaxweynaha Puntland, U Weeraray Si khaas ah mar kalana ka Been sheegay Xaalada Puntland, Mar kalana ilaahay ka yaboobay wax aan udhawayn, ayaan rabaa inan dul istaago,

Xildhibaan cawil daad, waxaa uu iloobay in maanta Caalamkan lagu nool yahay mid jooga Yurub ,afrika, America, in ay hal qol kuwada jiran oo caalamka maanta qol lawada fadhiyo cid wax u kala qarsoon aysan yihiin jirin cidna aan been loo sheegi karin.

Xildhibaan, ku waxaa usheegay shalay in mudadii u Xilka hayay Sicidi Deni Puntland Kacdoon Colaad iyo masaajidada oo laga Qunuudo ay gaadhay.

Maaha mar ka hore inaad ilaahay ka dalbato wax aan ku dhawayn waxaa dhab ah hadii uu qofku garanaayo Nimcadda uu ku dhex jiro inuu ilaahay u mahad caliyo laakiin Xildhibaan Cawil daad, muusan Garan alle u mahad celi ee wuxuu gartay Nimcadda leh siiyay nabada Horumarka inuu ka been sheego,

Garoowe, Waa caasimada Puntland, Ma jirto dhib ka jira aan ka ahayn Horumar iyo nabad.Gaalkacayo waa Gobolka mudug, ma jirto Dhib iyo colaad ka jirta.Boosaaso iyana waa Magaalada Ugu weyn puntalnd waa isha ganacsiga majirto beello kooxo gaar ah oo dagaalku ku dhexmaraayo iyana ganacsi iyo Horumar ayaa ka socda.

Qardho, Carmo, Qeybo kamid ah sanaag, iyana waa nabad oo meel maanta puntland colaad ka loosan tahay majirto.

Hadaba xildhibaan Cawil Daad, masiibada uu ilaahay ka dalbaday ee u Sheegay in ay puntalnd ka jirto maxay tahay?

Anigu markan fakaray waxaan u arkay Hadalkii Xildhibaan Cawil daad in uu yahay Shaqsi-laga dhex hadlay oo xukumadda Muqdisho, ku soo shubatay Xoogay Shimillo ah islamarkaana uu damcay in Uu Nabada iyo Horumarka ka jira Puntand u Badello Qarax.Muran Maamul la kala daadiyo Sida Galmudug iyo Hawada oo laga xidho shacab Puntland Sidii Kismaayo kadibna lagu faano. Diyaaraddo Ciidan ah oo Xamar laga raro lana geeyo Garoowe iyo gaalkacayo iyo Puntland-ta awoodda leh oo yeelata Boqol Guddi iyo Boqol Madaxweyne kuna danbaysa Sidii uu u hadlaayay Xildhibaan Cawil Daad, .

Madaxweyne Siciid Deni, wuu Awoodda in uu U hogaansamo Siyaasadda Xukumada Nabad iyo Nolol ee Qeybi, kala daadi, Burburi oo Awoodda ka qaad oo uu Puntland, kala mid dhigo Galmudug Hirshabeelle , laakiin waxaa uu utudhaayo ee ilaalinaayo Madaxweyne Deni, waa Haybadda iyo Meeqaamka sare ee Puntland,Halka Uu Xildhibaan Cawil Daadna Rabo Puntland La awood ah Hirshabeelle Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Ugu Danbayn waxaan u mahad calinaya shacabka Puntland oo 24 Saac ee ugu Danbeeyay Ka Bixiyay Jawaabo Ku filan Hadalkii Habaarka Ahaa ee Xildhibaan Cawil Daad,

W/Q Cartan Darwiish

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=18954

Posted by on Oct 27 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841