dahabshiil

War Deg Deg Ah::Madaxweyne Siciid Denni oo ka hadlay soo celinta Laascaanood, Iyo Xaalada Gobolka Sanaag

Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo hada khudbad ka jeedinaya xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa uga hadlay khudbadiisa qodobo badan, waxaana madaxweynuhu uu khudbadiisa ku saaray xaalado kala duwan oo haatan ka taagan Puntland.

Saciid Cabdullaahi Denni ayaa ugu horayn ku qoto dheeraaday horumarka Puntland iyo mudadii 21-ka sano ahayd ee ay jirtay waxa u qabsoomay dowladda, isagoona madaxweyne Denni uu sheegay in madaxdii soo martay Puntland ay qabteen wax badan isla markaasna dhulka Puntland uu ka weyn yahay dalal badan shacabkuna ay kaalin wacan ka qaateen mar xalado kala duwan oo Puntland soo maray.

Waxa uu sheegay in gobolka Sanaag ay xiligani inta badan gacanta ku hayso Puntland dib loo soo celiyey deegaano badan oo ka baxsanaa gacanta Puntland taas oo ka dhigan in xukuumaddiisu ay dadaal badan ku bixisay sidii ay ugu gacan sarayn lahayd loolanka adag ee ka dhaxeeya Somaliland ee ku aadan gobolka Sanaag.

Waxa uu ka hadlay ciidamada Puntland waxa uu sheegay in dowladdu ay haysato ciidamo tayeysan oo awood ku wajihi kara cadowgooda.

Madaxweyne Denni ayaa dhanka kale ka hadlay xaalada amaanka gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso, waxaana uu sheegay in gudi amaan ay ku dhawaaqday dowladdu xoogana la saari doono sugida iyo xaqiijinta amaanka magaalada Boosaaso.

Soo celinta deegaanada ka maqan Puntland ayuu carabta ku dhuftay madaxweynuhu, waxaana uu sheegay in dadaal badan ay ku bixinayso Puntland oo celinta deegaanada ka maqan.

Hadalka Denni ayaa laga dhan dhansanayey soo celinta gobolka Sool iyo adkaynta gobolka Sanaag, isagoona sheegay in si daacad ah ay ugu hagar bixi doonaan arimahaasi.

Midnimada Soomaaliyeed ayuu ku dheeraaday waxaana uu sheegay in Puntland ay danaynayso in dadaal lagu bixiyo midaynta shacabka Soomaaliyeed.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=18865

Posted by on Oct 26 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841