600 Sanduuqa Lacagta ee Aduunka(IMF) iyo Soomaaliya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Sanduuqa Lacagta ee Aduunka(IMF) iyo Soomaaliya.

Sanduuqa Lacagta ee Adduunka(IMF) waxaa la aasaasay sanadkii 1945, xaruntiisuna waxay ku taalaa Washington, Wuxuu dhaqaalaha uu dawladaha amaahiyo ka helaa dalal ay ka mid yihiin Maraykanaka, Canada, Ustaraaliya, Qaaradda Yurub dalal badan oo ka mid ah gaar ahaan kuwooda dhaqaalaha leh, Maraykanku wuxuu dhaqaalaha ka bixiyaa 17%.

Sanduuqan waxaa had iyo jeer daymaha u soo raadsada dalalka saboolka ah ee ay ku adkaato in ay fuliyaan adeega dadweynaha ay u taliyaan sida Mushaharka, adeega caafimaadka, waxbarashada, amniga IWM, xaalado badan u weheliyaan qaab khaldan oo dhaqaalaha loo maamulay, musuqmaasuq iyo sharciyo dad gaar ahi ka faa’iidaan.

Dalalkaas waxay u baahdaan dhaqaale ay wax ku kala wadaan maadaama khasnadii ka madhatay shilina shilin u gaadhi waayey, waxa horyaala laba wado in ay isku tashadaan oo nolosha wax ka badelaan oo guntiga dhiisha iskaga dhigaan iyo in ay Sanduuqan dhaqaaluhu ku jiro ee dawladaha kibray haystaan dhaqaale u raadsado.

Sanduuqan intaad u tagto oo aad dhaqaale ka codsato layska kaa siin maayo, wuxuu leeyahay Shuruudo aad u ad adag oo dalka iyo dadkaba la dega iskuna dira, maxaa ka mid ah?.

Dalka soo codsada deynta waxaa la fiirinayaa qaabka dhaqaalihiisu u socdo, iyo kharashaadka dawladda intooda ugu badan halkuu ku baxo, tusaale ahaan haddii dawladdu dhaqaale badan ku bixiso mushaharka shaqaalaha waxaa la odhanayaa si aad dhaqaale u beekhaamisaan isla markaana aanu deyn kuu siino aadna hadhow isaga bixisid intaanan waxbaba ku siin waa in aad shaqaalaha yaraysaa oo tiradaas dhintaa haday yihiin hal miyan oo shaqaale ah waa in aad 3 boqol oo kun dhintaa.

Warshado haday dawladdu gacanta ku hayso waa in aad qayb saamiyada ka iibisaan oo aad dad gaar ah ku wareejisaan si musharharka shaqaalaha laydiinla qaybsado, badeecadaha aasaasiga ah ee aad cashuurta yar ka qaadaan waa in aad ku kordhisaan sida Beriiska, Sonkorta, Sareenka ,Shidaalka iyo Korontada waa in aad cashuurta ku kordhisaan, waa wax kasta oo saamayn toos ah ku yeelanaya bulshada.

Marka aad shuruudahaas oo dhan aad ka soo baxdo ayaa lacagta qayb qayb lagu siinayaa dabagal joogta ahna lagugu haynayo.

Dalalka xilligan Sanduuqani deynta ku leeyahay waxaa lagu qiyaasaa 70 dal waxaana deyntii sanadkii la soo dhaafay bixiyey 28 dal inta kale way ka baaqsadeen markasta oo aad ka baaqsato way kugu sii badanaysaa, dalalka guntiga dhiisha iskaga dhigay ee deyntii lagu lahaa iska bixiyey waxaa ka mid ah Turkiga oo qaatay siyaasadda ka xorowga sanduuqaas, oo kaydna yeeshay.

Dalalka xilligan daymaha ka qaatay ee xaaladaha adag ku sugan waxaa ka mid ah Masar oo ku bilowday sideetameeyadii dayn aad u hoosaysa hadana ka qaadatay 12 Bilyan oo marba qayb la siiyo markay shuruudaha adag qaadatay shuruudii ugu danbaysay waxay ahayd in shaqaalaha dawladda 3 milayn dhinto waana arrin ay hadda Masar siday uga gudbi lahayd la tacaalayso, Masar deynta guud ee lagu leeyahay hadda waxay dhaafay 103 Bilyan.

Dalka Urdun dayntii ugu horaysay 100 milyan ayey ahayd maantana waxay ka qaateen 4Bilyan, Urdun sidii marba ay qayb cashuurta ugu kordhinayeen ayaa hadda dawladu waxay raadisaa qaabkii cashuuro horleh loo abuuri lahaa, waxaana lagu cadaadinayaa in iskuulada ay dawladdu faraha ka qaado, waxaa kale oo cadaadis lagu saarayaa in ay dhimaan dhaqaalaha ku baxa Ciidanka iyo Booliska taasina waxay waxay abuuraysaa in xukuumaddii iyo shacabkii iska horyimaadaan, xiliyadana dibad baxyo badan ayaa ka dhaca Urdun noloshii oo adkaatay awgeed, deynka Urdun lagu leeyahayna waxay gaadhay 40 Bilyan oo dollar.

Dalka Lubnaan isaga dayntiisa gudaha iyo tan dibadda marka laysku daro waxay Maraysaa 80 Bilyan, kacdoonkan hadda waxa qarxiyey ayaa wuxuu yahay musuqmaasuqa siyaasiyiinta oo baahay iyo siday cashuur shacabka u saarayeen ay dooneen in ay cashuur ku soo rogaan WhatsApp ka.

Soomaaliya haddaan u soo noqo Soomaaliya waxay u baahan tahay laba qodob.

1. Deynta lagu leeyahay oo waxna laga cafiyo, inta kalena wakhtiga loo habeeyo ay ku bixinayso.
2. In Deynta soo hadha mid kale loogu daro si ay waxbadan oo qabyo ah wax uga qabto.

Halkan shuruudihii ayaa dhinac socda adkaa ee ahaa in aan shaqaale la qorin, miisaaniyadu beekhaamsanaato, waxaa kale oo suurta gal ah in ilaha dhaqaalaha ee hadda dawladdu gacanta ku hayso lagu cadaadiyo in ay wareejiyaan oo shirkado gaar ah hawshaba gacanta loo geliyo.

Waxa kale oo dawladda Soomaaliya hortaala lacagta Shilin Soomaaliga ah in la soo daabaco, hore wuxuu u sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Beyle in loo baahan yahay 41milyan oo dollar si loo soo daabaco lacagtaas taasna ay dawladdaha deeqbixiyayaal ah ka sugayaan, sababtoo ah waxay u baahan tahay ilaalin dayactir waxa xumaada iyo soo daabacaad joogta ah.

2018 wasiirka maaliyadda Soomaaliya wuxuu sheegay in la fuliyey Shuruudihii laga rabey oo dhan, bishan gudaheeda RW KHayre Washington wuxuu kula kulmay madax IMF ilaa hadda wax jawaab ah lama hayo, sababtuna waa dhaliilaha IMF-ta lagu sheego oo dawladaha dhammaantood isku si ula dhaqma oo aan u eegin xaaladaha ay ku kala sugan yihiin, IMF Soomaaliya oo ah dal burbursan oo aan ilihiisa dhaqaalaha gacanta kuwada hayn iyo Masar oo ah dal dhaqaalihiisu lugo adag ku taagan isku shuruuud ayey marsiinaysaa.

Masar waraaqeheeda faylkay kuwadataa markay deyn doonayso, Soomaaliyana waad dadaalaysaan laakiin warqad heblaayo ayaa dhiman ee soo dhamee ayaa lagu odhanayaa.

Soomaaliya way u baahan tahay deyn laakiin sida xaqiiqada ah 50 sano ee soo socda ugu yaraan luqunta qoolkaas waa kula jiri karnaa, sababtoo ah xasiloonida siyaasadeed ayaa qayb weyn ka qaadata koboca dhaqaale iyo qaabka Sanduuqa Lacagta ee Adduunka looga fakan karo.

Dal ayaase diidayba markii ay marxaladiisu taagnayd labada wado, kuwaas oo ahaa ahaa in uu deyn u doonto IMF iyo in uu tashado Waa dalka Malaysia iyo Mahatir Maxamed wuuna tashaday, sanadkii 1998 oo dhaqaalaha dalalka Aasiyada Bari burburay, wuxuu Mahaatiir Maxamed go’aan ku gaadhay in aanu dayn u doonan IMF wuxuu Mahaatiir sheegay in shuruudaha Sanduuqu yihiin kuwo aan laga fakan karin ka waran qof daba ordaya si ay uga raali noqdaan.

Waxaas oo dhan waxaa ka sii khatar badan wacyiga shacabka oo aan ogayn khatarta Sanduuqa iyo sida loogu arko in ay tahay hawl culus oo xukuumaddu ugu maqan tahay , shacabka reer Arjantiin waxay u bixiyeen markay shuruudaha sanduuqa u gacan galeen Sanduuqa Shaydaanka Ee Adduuka.

W/Q Asad Adaani Ibrahin

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...
War Ka Soo baxay Imaaraatka Carabta Oo dawlada somalia lagu Bahdilay
- Feb 20, 2021
Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay dhacdooyinkii Muqdisho, waxaana qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha ...