600 “Markii La Sameeyay Hagbadda Maxamuud Saleeban Ayaa Laga Hortagay Madaxweyne Loogu Hanjabo Mooshin” | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

“Markii La Sameeyay Hagbadda Maxamuud Saleeban Ayaa Laga Hortagay Madaxweyne Loogu Hanjabo Mooshin”

Baraha Bulshada waxaa maanta aad loo hadal haya Xildhibaan Kamid ah Mudanayaasha Barlamaanka maamulka Puntland, oo Si Toos ah u Su aal u Weydiiyay madaxwynaha Puntalnd Siciid Cabdilaahi Den,i Islamarkaana sheegay In Barlamaanku Mooshin Ka keeni Doonan Madaxwynaha Hadii uusan iscasilin.

Hadaba Si aan Bulshada ugu bayaamino Tamarta uu leeyahay hadalka Xildhibaan Cawil Daad,iyo qaabka lagu soo doorto madaxweynaha Puntland iyo Cida uu ka yimaado ma mid U dhaxaysa Dadka Puntland odhanba mise waa mid cid gaar Ahi ka taliso.

Waa nasiib daro qofku hadii uusan ka war hayn deegaanka uu ku nool yahay Siyaasadda lagu Hago, meeshay ka soo bilaabanto oo u iska dhex ordo wax aan lahayn Natiijo islamarkaana hore looga Tashaday.

Xilka madaxweyene-nimo ee Puntland waxaa qabta oo kaliya Beelo gaar ah maaha xil ku Badhan ama ka dhexeeya Qabashadiisu ama ay u siman yihiin Beelaha Puntland oodhan

Sida Aawadeed Waxaa cad in Doorashada madaxweynaha cidii ka tashatay ay ka tashan karto oo kaliya Ridistiisa.

Xilkan. madaxweyne waxaa ku Heshiiyay in ay qabtan Beelaha”Cismaan Maxamuud, Ciise Maxamud, Cumar maxamuud oo la isku hadho Jeegaanta Puntland ama Maxamud Saleebaan.

Sadexda Beelood ayuu ka soo baxa Madaxweyne Kasta oo soo mara puntland, kama soo Baxo Madaxweyne Puntland Beelaha “Cali saleeban Dhulbahnete, warsangali, Laylkase”

Su aasha aan weydiinaya Xildhibaan Cawil Daad waxay tahay Beelaha Ku Heshiiyay in Xilka madaxweynaha puntland, aysan Cid kale qaban ee iyagu isku dhii-dhiiban islamarkaana meel mariyay 20-kii sane u danbeyay in ay isku dhiidhiban say usahlan tahay in Si duud looga Taqaluso

Madaxweyne Waa laga Keeni Kara Mooshin,Wuuna is casili kara Laakiin Xildhibaan Cawil daad, Ma isweydiiyay In Dulmiga Ka jira Puntland uusan ahayn-9 ka bilood ee Deni Xilka Hayay ee Dulmigu bilowday dhismihii Puntland islamarkaana cid kale aysan ka noqon karin Madaxwyne Puntland taasna waxaa cadeen kugu filan sida ay Qandaraas ugu wada galen Xilka Madaxweyn nimo in ay isku dhii dhiiban beelo gaar ahi,

Xildhibaan Cawil Daad, Ma isweydiiyay In Aan Madaxtooyadda loo dhici Karin iyadoo aan la jiidhin Difaaca ka horeeya ee Maxamuud Saleebaan.

Qofku haduu yahay Xildhibaan ama masuul maamul iyo Mid dawladeed maaha in uu ku jaah wareeriyo shacabka wax uu og yahay in aysan dhici karin.

Xildhibaan Cawil Daad, wuu og yahay In Aysan horana u dhicin hadana Dhici karin In Madaxweyne Ku Soo Baxay Hagbadda siyaasadeed ee Maxamuud Saleeban in aan mooshin lagu ridi karin,

Ugu Danbayn Xildhibaan Cawil Daad, waaxanu leenahay Hadaa tahay Nin Dulmi Diidan oo U Naxaya Puntland, soo Baabi Difaaca ku xoreen xilka madaxweyne ee Puntland markaas kadib ayay sahlanaan karta in Deni Laga Taqaluso,

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...