600 Deg Deg:Faroole Ka Hadlay Xaalada Jubbaland. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Faroole Ka Hadlay Xaalada Jubbaland.

Waxaa haatan ka socda xarunta Baarlamaanka Puntland khudbado ay jeedinayaan masuuliyiin kala duwan maadaama maanta uu furmay kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana xiligani khudbad jeedinaya xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka isla markaasna madaxweyne kasoo noqday Puntland, isagoona kula dar daarmaya xildhibaanada in ay adkeeyaan shuruuda kuna dhaqmaan Dastuurka.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday xildhibaanku xaaladaha ka taagan dalka, isagoona Baarlamaanka Puntland ugu baaqay in ay si hufan u bartaan shuruucda iyo nidaamka Baarlamaanka dalka si looga taakuleeyo waxyaabo badan.

Faroole ayaa khudbadiisa kaga hadlay arimaha Jubbaland iyo doorashadii ka dhacay Kismaayo, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu yahay Axmed Madoobe isla markaasna ay aqoonsi buuxa siiyeen madaxdii ka qayb gashay caleema saarkiisa halka uu tilmaamay siyaasiyiinta kala ah C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig rag laga dhex hadlayo oo aan xataa ka tagin goobtii doorashadu ka dhacaysay isla markaasna ay dhibaato ka dhex wadaan shacabka.

Waxa uu sheegay in xili walba ay Puntlannd taageerayso Jubbaland marar kala duwana xooga uu saaray madaxweyne Denni in uu si hoose u dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya hasa yeeshee arintaasi aysan suurta galin.

Khudbada Faroole oo ah mid dheer ayaa xildhibaanku kaga hadlayaa arimo badan oo ay kamid yihiin amaanka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo arimo kale

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...